|

Safaaradda Dalka Holland Ee Magaalada Nairobi Oo Digniin Dhinaca Ammaanka ah Soo Saartay

hooo Nairobi: 30-july-2013 (SDN)Safaaradda Dawladda Holland Ee Dalka Kenya, ayaa ka digtay Suuurtogalnimada Weerarro ka dhan ah Ajaanibka oo ka dhca Dalkaasi kenya ka dib markiidhawaan Booliska Kenya ay gacanta ku dhigeen Waxyaabo qarxa ooo ku jira Kartoon.

wixii ka dambeeyey bishii OCTOBER 2011 markii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen Somaliya, waxa dalkaas ka bilaabmay weeraro iyo Afduubyo lala beegsnayey ciidamada dalkaas iyo dadka u dalxiiska taga xeebaha dalka Kenya

maalintii arbacadii oo Bisha June ay ahayd 24-july, ciidamada Booliska Dalka Kenya ayaaa sheegey inay Gacanta ku dhigeen waxyaabah qarxa oo ku jirey Kartoon la dhigay goob gaadiidka laga raaco oo ku taalla magaalada Nairoi.

Af-hayeen u hadlay  Dawladda Kenya oo lagu magacaabo Muthui Kariuki, ayaaa sheegay inaanay jirin wax cabsi ama digniino ah oo ka dhan ah Ajaanibka ku sugan dalka Kenya.

“waddanku waa amaan, mana jiro wax walwal ah oo la qabaa, amaankuna dawladda ayuu gacanta ugu jiraa” ayuu yidhi Afhayeenka u hadlay Dawladda Kenya.

Safaaradda dalkka Holand Ku leeyahay dalka Keny ayaa dhawaan Digniin u dirtay muwaadiniinteeda ku sugan dalkaas, iyadoo uga digtay inay u safraan meelo ka mid ah dalkaas.

Af-hayeenada u dadshay Safaaradda Holland ee dalkka Kenya ayaa u xaqiijisay wakaalada wararka ee Rueters in Digniinta ay u direen Ajaanibka ku sugan dalka Kenya, laakiin ma aysan bixin faahfaahin intaasi dheer.

weeraradii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya iyo Gobolada ku teedsan dhanka xeebta iyo somalia ayaa sababay hoos u dhac ballaadhan oo ku yimi Dhaqaalihii dalka kenya ee dhinaca Dalxiiska

 

 

Somalidiasporanews.com

Nairobi/ Kenya

Comments are closed