Sadexdii Bilood ee Tagay iyo Kiisaska Dilka iyo Dunuubta kale ee Gobolka Sanaag ka dhacday
Ceerigaabo 31.July 2014 (SDN/QJ)- Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa sheegay in saddexdii bilood ee ugu dambeeyay ay gobolkaasi ka dhaceen 7 dil isla markaana ay ka dhaceen 57 kiis oo Danbiyo kala duwan iskugu jiray.
waxaanu tilmaamay in dhacdooyinkaasi ay gobolka ka dhigayaan gobolka ugu dilka badan dalka oo dhan. Badhasaabka ayaa Nidar ku maray inay dagaalkii ugu adkaa iyo hawl-galkii ugu weynaa ay ku qaadi doonaan kooxaha dhuxulaysatada ah oo uu sheegay inay god walba ugu geli doonaan.
Badhasaabku waxa uu sidaasi ku sheegay khudbadii uu Isniintii dadweynaha reer Ceerigaabo u jeediyay munaasibaddii ciidul fidriga, waxaanu waalidiinta ay inamadoodu ka shaqaystaan dhuxulaysa ugu baaqay inay ka qabtaan dhuxulaysiga si ay uga badbaadaan hawl-galkii ugu balaadhnaa ee ay ku qaadayaan kooxaha ku mamay dhuxulaysatadda. “Labadan cisho ee ciida ka dib waxannu Qaadaynaa hawl-gallo qaar nool baa ku dhiman doona waxannu ka dagaal gelaynaa deegaanka nin wallow-ba ogow labada maalmood ee ciiddu markay inna dhaafaan waxaanu u haysannaa amar iyo awooddii aannu u baahnayn in laga hawl-galo dhuxulaysatadda iyo deegaanka oo gacan bir ah lagu qabto ninkii dawlad la dagaallamayoow u diyaar garow, ninkii ka baxayoow ka bax, ninkii lahaa la ima ogaysiinoow ogow, ninkii inankiisu ku jirowna u dig halkan Ceerigaabo waxa ka bixi doona ciidan tiradiisu dhan tahay boqol askari, god walbana way geli doonaan kamana dul qaadanayno 2400 geed ayaa maanta Ceerigaabo keliya gubanaya.ciddii ku dhimataana mag malaha,”ayuu yidhi Badhasaab Ramaax.
“Waxa dhacday rag lix-lix boqol oo neef oo xoolo ah leh ayaa waxay isku dileen kiish dhuxul ah oo mijin jaad ah la siisanayo runtii waa wax lala yaabo mana eeganayno waxaanuna rabnaa in nalaga caawiyo oo cid kastaaba isku wargeliso,”ayuu yidhi Maxamuud Cali Saleebaan.
Badhasaabka Sanaag waxa uu sheegay in gobolkiisa saddexdii bilood ee ugu dambaysay ay ka dhaceen illaa 7 dil, kaasi oo ka dhigaya gobolkii dilka badnaa. Waxa kale oo uu intaas ku daray in saddexdaas bilood ay deegaammadda Sanaag ka dhaceen ugu yaraan 57 kiis oo dunuub ah oo iskugu jiray, boob, jidgooyo iyo kufsiba, waxaanu yidhi “Gobolka muddo saddex bilood aan dhammayn baan joogey waxa ka dhacay 7 dil iyo konton iyo 57 dambi oo boob iyo jidgooyo iyo kufsiba ku jiraan, maanta gobol ka dil badani ma jiro gobol ka dambi badanina ma jiro. runtii waa nasiib darro ma aha awood la’aan, ma aha ciidan la’aan. waa nasiib darro toddobadaas dil saddex baryo lagu keenay mooyee intii kale weli suuqay joogaan qaar kalena way idinka layn doonaan waana hubaal waxyaabahaas oo dhan waxaanu u diyaar nahay inaannu gacan bir ah wax kaga qabanno shirkii Burco ragggii ka qayb galayna halkan waa fadhiyaan golaha Wasiirraduna waa saxeexeen odayaashuna waa baasgareeyeen qofkii qof dila in loo dilo.”
Mr. Ramaax mar uu ka hadlayay Waddada Ceerigaabo, waxa uu yidhi “Waddadii Ceerigaabo maanta meel wanaagsan ayay maraysaa illaa imminkana waa dedaalkii dawladda laakiin reer Ceerigaaboow dedaalkiinnii wuu dhiman yahay oo ma muuqdo haddii ay tahay xoolo ama xoog ama xilkasnimo iyo is wacyigelin intiiba waxaad mooddaa inay runtii aad iyo aad u jiifto taasna waxaan idiinku baraarujinayaa in gacanta lays gelin doono oo odayaashii ku ballan qaaday xoolaha laga bilaabo Sabtida soo socota aannu bilaabi doonno hawlahoodii.”
Dhinaca horumarinta guud ahaan gobolka gaar ahaanna degmada Ceerigaabo isagoo ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maanta maammulka dawladda hoose iyo dawladdii dhexeba waa diyaar in horumarka degmada iyo gobolka la soo gaadhsiiyo gobollada iyo degmooyinka kale ee dalka waddooyinkeeda la furo laamiyo la sameeyo oo ay ka mid tahay 10 km oo laamiga magaalada ee dawladda hoose iyo dadweynuhu iska kaashanayaan ah, taasna waxaan codsanayaa ciddii jagadeeda ama gurigeeda horumarkaasi ku soo beegmo inay u dul-qaadato oo horumarka laga wada shaqeeyo wanaaggana aynu is farno nabadgelyadana ciidammada gacan ha lagu siiyo.”
Badhasaabku waxa uu dadweynaha Gobolka eebe uga baryay inuu tawfiiqda u hagaajiyo, waxaanu ka dalbaday inay ummadda reer Sanaag Horumarka kula tartamaan goboladda asaagood ah ee reer Somaliland oo uu ku majeertay inuu deegaan waliba u xusul duuban yahay sidii ay gobolkooda horumarkiisa kaalin weyn uga qaadan lahaayeen.
Ceerigaabo SDN/QJ
contact@qurbejoog.com