‘’Sadexdii Bilood ee la soo Dhaafay Lix dil ayaa ka dhacay Berbera Iyo Kiis Xannuun Badan oo Sadex Nin ku Kufsadeen Gabadh 7 Jir ah’’ Taliyaha Qaybta Booliska Saaxil
Berbera 15.July 2016 (SDN/QJ):- Taliyaha Ciidanka Booliska ee gobolka Saaxil, Gaashaanle dhexe Mursal Xaaji Ciise, ayaa ka waramay fal dambiyeedkii ka dhacay Magaalo xeebeedka Berbera ee gobolka Saaxil saddexdii bilood ee ugu dambeeyay.
Mursal Xaaji Ciise, waxa uu sheegay inay qabteen nin Isniintii rasaaseeyay ilaalada badhasaabka Gobolka Saaxil, waxaanu yidhi “Waxaa maanta dhacday in badhasaabka iyo badhasaabku xigeenka iyo ilaaliyihi badhasaabka ay la kulmeen nin ku hubeysan Baastoolad oo magaciisa la yidhaaho Cabdi Xasan Abokor, waxaana israsaaseyni ay dhex martay ilaalada badhasaabka iyo ninkaas baastoolada ku hubeysnaa ciidanka booliskana gacanta ayay ku soo dhigeen waanu xidhan yahay waxaana lagu qabtay kaantaroolka galbeed ee gobolka Saaxil.”
“Gobolkan Saaxil, waxaa ka dhacay saddexdii bilood ee u dambeeyay lix dil, lixdii dil-ba gacanta ayaa lagu dhigey dadkii geystay, Hay’adaha sharciga iyo garsoorkaana la horgeeyay, shani waa gar-suge oo waxa ay sugayaan in kiiskooda la dhammeystiro, midina waa uu xukuman yahay oo dil ayuu ku xukuman yahay,”ayuu yidhi Taliyaha qeybta Booliska Saaxil oo u waramayay saxaafadda.
Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay in la xukumay saddex nin oo kufsaday gabadh yar oo 7 sanno jir ah, waxaanu yidhi “Waxa magaalada Berbara lagu kufsaday gabadh yar oo todoba jira, waxaana wada kufsadey saddex nin, waxaanu ahaa kufsi wadareed aad u murugo badan oo aad u layaab badan, saddexdaas nin ee kufsi wadareedkaa sameeyayna waxaa gacanta ku soo dhigey ciidanka booliska, waxaa la horgeeyay sharciga oo kiiskoodii waa uu dhammaaday, midna lix sannadood ayaa lagu xukumay labadii kalena min laba sannadood ayaa lagu xukumay.”
Gaashaanle dhexe Mursal Xaaji Ciise isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku ladhay “Kufsi kale ayaa dhacay oo gabadh yar oo kale oo siddeed jir ah ayaa la kufsaday, nin baa kufsaday taasina booliska ayaa gacanta ku soo dhigey, ninkii jeelka ayuu ku jiraa waana gar-suge, isaguna xukunkii uun baa uu imika sugayaa.”
Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay inay si weyn ula tacaalaan xakamaynta mukhaadaraadka, waxaanu yidhi “Gobollka Saaxil waxaa lagu qabtay mukhaadaraad faro badan oo ay ka mid aheyd booyad siday maandoore amase Khamri, sharciga iyo xeer ilaalinta iyo maxkamada ayaanu horgeynay oo si wanaagsan ayaa sharciga loo mariyey.”