|

Sadex ka mida ciidamada Booliiska Kiinya oo lagu dilay Xadka Kiinya

Liboi July 17,2012(SDN)-Sadex ka mida ciidamada Booliiska ee dalka Kiinya ayaa lagu dilay xadka dalkaasi uu la wadaago Soomaaliya sida uu xaqiijiyay taliyaha ciidamada Libio.

Weerarakan ayaa ah kii u danbeeyay ee ay qaadaan kooxaha xagjirka ah ee dagaalka kula jira dawlada Kiinya.

“Sadex ka mida ciidamadeena Booliska ayaa lagu dilay wadada iyaga oo ku sii jeeda degmada Liboi”sidaa waxa yiri George Kingi taliyaha ciidamada Booliska Gaarisa.

“Ma hubno tirada Askarta weerarka ku dhaawacan tahay iyo cida ka danbeeysay oo ma heyno xog sugan”ayuu taliyuhu raaciyay.

Weerarda lala beegsado degaanada xadka ay Kiinya la wadaagto Soomaaliya ayaa sii kordhay intii ka danbeysay duulaan ay ciidamada Kiinya ku qaadeen koonfurta Soomaaliya.

SDN-Liboi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed