|

Sadex Bilood Gudahood oo Afar Dil ka Dhaceen Gobolka Daad Madheedh iyo Gacan ku dhiiglihii u danbeeyay oo la qabtay

Oodweyne 24.March 2014 (SDN)-Maamulka gobolka Daad-madheedh iyo madaxda ciidanka booliska ee gobolkaasi ayaa ka hadlay soo qabashadda nin ku eedaysay inuu nin ku dilay gobolkaasi.

Masuuliyiinta booliska gobolka Daad-madheedh iyo maamulka gobolka oo shalay si wada jir ah shir jaraa’id u qabtay ayaa ka warbixiyay sida ay ugu guulaysteen gacan ku dhiigle magaciisa la yidhaahdo Khadar Maxamuud Warsame oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamadda booliska ee gobolka Daad-madheedh.
Ninkan gacan ku dhiiglaha ayaa sabtidii todobaadkii hore waxa uu deegaanka Qar-gibil oo ka tirsan gobolka daad-madheedh dil toogasho ah ku dilay marxuum Xasan Jaamac Haariye.Waxaanay maamulka gobolka Daad-madheedh iyo madaxda boolisku sheegeen in ay ku guulaysteen soo qabashadda gacan ku dhiig lahaasi.
sidoo kale waxa ay masuuliyiintaasi ka hadleen warar ay been abuur ku tilmaameen oo ay warbaahinta qaarkood qoreen kuwaasi oo sheegayay in ciidamadda booliska gobolka Daad-madheedh ku guuldaraysteen soo qabashadda gacan ku dhiig lahaasi.
gudoomiyaha Gobolka Daad MadheedhBadhasaabka gobolka Daad-madheedh Jamaal Xuseen Hurre, oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay sidii ay ciidamadda boolisku u soo qabteen gacan ku dhiig lahaasi, waxaanu sheegay in hawl gal balaadhan oo ay ciidamadda boolisku sameeyeen ay ku soo qabteen gacan ku dhiig lahaasi.
Waxaanu yidhi “Ciidamadda booliska ee gobolka Daad-madheedh oo uu hogaaminayay taliyaha qaybtu waxay si xoog leh oo dhamaystiran ugu guulaysteen soo qabashadda gacan ku dhiig lihii dilka u gaystay Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Jaamac Haariye, kaasi oo hawl gal fiican oo ay sameeyeen ciidamadda boolisku ay ku soo qabteen”.
Taliyaha qaybta ee ciidanka booliska gobolka Daad-madheedh oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in dilalku ay ka dhacaan meel kasta oo dunida ka mid ah balse ay muhiimadu tahay in la soo qabto cidii falkaasi ka danbaysay. Waxaanu taliyuhu tilmaamay in hadda ninkaasi ay soo qabteen iyo kuwo kale oo falka kula jirayba ay xabsiga dhigeen.
Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dilalku way dhacaan oo meel kastana way ka dhacaan, laakiin muhiimadu waxay weeyi cidii dilka geysatay mala soo qabtay, illaahay wuu nagu guuleeyay ninkaasi in aanu qabano oo aanu gacanta ku soo dhigno, dhamaantood way ku jiraan xabsiga iyada oo kaa maanta aanu gayanay uu ugu danbeeyo”.
Waxa kale oo uu taliyuhu ka hadlay warar ay warbaahinta qaarkood ka qoreen arrintaasi kuwaasi oo sheegayay in ciidamadda booliska gobolka Daad-madheedh ay ku guul daraysteen soo qabashadda gacan ku dhiiglahaasi, waxaanu digniin u jeediyay warbaahinta wararka noocaasi ah qora in ay iska ilaaliyaan, isla markaana haddii ay ka waantoobi waayaan ay tallaabo adag ka qaadi doonaan.

“Waxaa la yaabis leh inamadan yaryar ee website-yadda gelinaya waxyaabahan beenta ah, waxaanu garan laanay’ay in ay aqoon la’aan ka tahay iyo in ay u badheedhayaan ilaa hada ma kala garanayno, waxaanu ugu balan qaadaynaa haddii ay joojin waayaan waxaasi in aanu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono, oo ay eedi doonaan” ayuu yidhi taliyuhu.
Dhinaca kale waxa uu ka hadlay taliyaha qaybta booliska ee gobolka Daad-madheedh hadalo la isla dhex marayay oo sheegayay in ay xubno odayaal ah booliska u soo gacan geliyeen gacan ku dhiiglaha, waxaanu yidhi “Ninkaasi waxaanu u gudbinay xabsiga odayaal soo qabtay iyo cid noo keentayna ma jiraan, gacantayada ayaanu ku soo qabanaay isaga oo jeed hurda oo aanu 11-saacadood eryanaynay ayaanu isaga oo qorigiisiina barkaday oo geed hoos hurda ayaan qorigii inta aan iskaga taagay qabtay, waa ayo ninka ii keenay.”

Dilalka noocan oo kale ah ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku soo badanayay gobolka Daad-madheedh iyo deegaamadda hoos yimaadaba, iyada oo saddexdii bilood ee u danbeeyay ay gobolkaasi ka dhaceen ilaa lix dil.

Oodweyne SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed