“Saddexda gole waxaan leeyahay meesha ha yuururina’e jaaniska baneeya” Aasaaska Xisbiga Kulmiye 13 Sano ka Hor Iyo Weedho Taariikhda Galay oo laga Guntay Madaxweyne Siilaanyo DAAWO
Hargaysa 24.May 2015 (SDN/QJ):- Maanta oo kale 13 sano ka hor,waxaa lagu dhawaaqay, Xisbiga Midnimada iyo Horumarinta Somaliland ee Kulmiye. Xisbigan oo uu ku dhowaaqay Siyaasiga Axmed Maxamed Siilanyo oo maanta ah Madaxweynaha Somaliland.
Haddaba waxaan halkan idiinku soo gudbinaya, xafladii Kulmiye lagaga dhawaaqay maalintaas iyo weedhihii ay siyaasiyiintu is dhaafsadeen, iyo xamaasadii madashaas ku xeernayd.,
Muuqaalkii Siyaasadeed Iyo Madal La Isku Halleelay!
“Saddexda gole waxaan leeyahay meesha ha yuururina’e jaaniska baneeya”.
“Axmed siilaanyo isma jeclin, laakiin….”
“C/raxmaan Aw-Cali cadho qaadda maahee waxaan u qirayaa inuu yahay ninka Somaliland badha, laakiin….”
“Had iyo goor waxa lagu cel-celiya ururka ASAD isma diiwaan-gelin, laakiin….”.
Weedhahani waxay ka mid ahaayeen hadalo iyo doodo siyaasiya oo sir iyo caad-ba la isugu dhiib-dhiibay, kuwaas oo ka dhacay kulan lagaga dhawaaqay urur-siyaasadeedka cusub ee la magacbaxay KULMIYE oo uu gudoomiye ka yahay siyaasiga Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), gudoomiye-kuxigeenna uu ka yahay siyaaasiga Maxamuud Saalax Nuur ( Fagadhe).
Kulankaas oo ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta hayadda shaqaalaha iyo dawladda, Inkasta oo uu ahaa munaasibad loogu talo-galay ku dhawaaqidda urrka KULMIYE, haddana waxay dhinaca kale ahayd madal aad looga dareemay muuqaal Siyaasadeed aad u xiisa badan waayo waxa isugu yimi wejiyo isu qooraansaday si dareen leh iyo rag badan oo guud ahaan iyo gaar ahaan-ba ku kala duwan afkaaraha Siyaasadda, islamarkaana waxa madashaa la isku dhaafsadsay khudbado xanbaarsan weedho Siyaasadeed oo duur-xul iyo badheedheba la isugu dhiibayo. Hogaamiyayaasha, xubnaha iyo taageerayaasha ururka cusub ee meesha lagaga dhawaaqay (KULMIYE) oo isaga marti loo ahaa, waxa ka hadlay oo keliya ninka loo doortay Gudoomiyaha ururka oo ah siyaasiga Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo madasha ka akhriyey khudbad qoraal ah oo ka hadlaysa aasaaska ururka iyo ujeedooyinka loo abuuray, laakiin ragga meesha isku helay waxay u badnaayeen martisharaftii lagu casuumay oo ahaa rag u badan ururada Siyaasadda.
Marka laga reebo xubno laga tiro badan yahay ragga ka socday golayaasha Guurtida iyo wakiilada ee munaasibadaa ka soo qaybgalay waxay ahaayeen niman intooda badan lagu tiriyo ururka UDUB ee dawladda, waxaase jiray xubno si toos ah uga socday UDUB oo madasha lagu casuumay, kana so qaybgalay, laakiin way joogeen rag mudanayaal ah oo ka mid ah ururada mucaaradka ah iyo qaar aan ilaa hadda wax urur ah ku suntanayn-ba. Haseyeeshee dhammaan ururada Siyaasadeed ee jira waxa ka joogay wakiilo goob-joogayaal ah oo kulanka lagu casuumay.Tusaale ahaan ururka UCID waxa ka joogay xubno ay ka mid yihiin Xasan Xaydh oo ah Gudoomiyaha ururka UCID ee gobolka Hargaysa iyo Jaamac Cismaan oo isna ka mid guddiga dhexe ee UCID.
Sidoo kale ururka hormood xubnaha madasha ka muuqday waxa ka mid ahaa Marwo: Canab Cumar Ileeye oo madasha ka jeedisay hadalo dadka aad u soo jiitay, iyadoo si toos ah u abaartay ragga xilalka ka haya dawladda waqtigan dalka ka talisa.
Marka laga yimaado huwanta dhinaca dawladda ka socotey ee xubnaha golayaasha baarlamaanka
iyo ururka UDUB oo si weyn uga muuqday madasha, waxa kale oo ay iyagana xubno door ahi ka joogeen urur-siyasadeedka SAHAN, waxaana ragga meesha ka muuqday ka mid ahaa Cali Maxamed Warran-cadde, DR: Maxamed Cabdi Gaboose, Maxamed Cabdi Iskeerse, Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kale.
Sidoo kale urur-siyaasadeedka ASAD oo lagu tirin jirey ururka ugu xag jirsan ee mucaaradka ah ayay madashaa ka muuqdeen rag door ah oo ay ishu ku dhacaysay, waxaana ragga ururka ASAD ka socdey ee madasha yimi ka mid ahaa Gudoomiyaha ururka ASAD siyaasiga Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) iyo gudoomiyekuxigeenkiisa koowaad C/raxmaan Aw-Cali Faarax. Waxa kale oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ururka ASAD ee madasha ka muuqday siyaasiyiinta kala ah Maxamed Kaahin Axmed iyo Maxamed Maxamuud (Oday) iyo rag kale .
Dhinaca baarlamanka marka la eego waxa ragga ugu muuqaalka dheeraa ka mid ahaa gudoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Mudane: C/qaadir X. Ismaaciil Jirde, sidoo kale waxa madasha yimi hadalona ka jeediyey labo oday oo ka mid ah duub-cadda u talisa aqalka oadayaasha ee Guurtida loo yaqaan, kuwaas oo kala ahaa Xaaji Cabdi-waraabe iyo Suldaan C/raxmaan.
Hadii si guud wax loo milicsado waxaynu raggii madasha isugu yimi u qaybin karnaa labo jilib oo waaweyn, kuwaas oo kala ah ragga talada haya iyo ragga banaanka ka jooga ururka uu doono ha ahaadee, taas oo la odhan karo waxa madal soo wada fadhiistay rag aan siyaasiyan is-jeclayn waayo ragga talada hayaa way ogyihiin inay nimanka mucaaradka ahi u soo qooqayaan kuraasta ay ku fadhiyaan. Laakiiin marka taa laga yimaado waxa iyaguna madasha isugu yimi saaxiibo xili isku urur ahaa, balse jeer dambe kala dildilaacay sida: raggii hore uga wada tirsanaan jiray ururadii dib-u-habaynta SNM iyo UBSL oo markii ay kala jabeen ay intooda badani ku kala biirtay ururada ASAD iyo SAHAN, kuwaas oo la odhan karo waxay isku milicsanayeen daymo qadhiifo leh.
Ugu horayn Gudoomiyaha ururka KULMIYE Axmed-Siilaanyo ayaa madasha ka akhriyey hadal qoraal ah oo uu ku iftiiminayo ujeedooyinka Siyaasadeed ee urrkiisa.
Ururka ASAD oo lagu tilmaami jiray mucaarad fog waxyaalaha ay dawladda iyo xisbigeeda UDUD iyo weliba dhinacyo kale kaga xantadeen waxa ka mid ah mawqifkii adkaa ee uu ururkaasi iska taagay shardigii diiwaan-gelinta oo uu ururka ASAD ahaa ururka keliya ee qaadacay, taas oo ay dawladdu qaylo dheer ka dhigtay. Haseyeeshee xubnaha ururka ASAD waxay madashii yimaadeen, iyadoo uu ururkooda lagu wargeliyey inay miiska u saaran tahay shahaadadii aqoonsiga is-diiwaan-gelinta, waxayna taasi nabar ka goysay dhinacyo dhawr ah, kuwaas oo ka aamusi kari waayey inay soo hadal qaadaan is-diiwaan-gelinta ASAD, iyaga oo ku tilmaamay talaabo horumar leh oo u soo hoyatey dhaqdhaqaaqa qorshaha curdinka ah ee abuurista ururada Siyaasadda Somaliland.
Ururada ASAD iyo KULMIYE waxay labaduba shahaadada is-diiwaan-gelinta qaateen Khamiistii 23-kii May, labada siyaasi ee kala hogaamiya labadaa urur Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) ayaana madal ku wada gudoontay shahaadada is-diiwaan-gelinta, iyadoo uu dhinaca kalena Saleebaan-gaal ka soo qaybgalay shirkii lagaga dhawaaqay ururka cusub ee KULMIYE, halkaas oo ay Saleebaan-gaal iyo Axmed-siilaanyo isku hambalyeeyeen, iyaga oo is-dhaafsaday salaan gaadda isu dhiib ah.
“Golayaal ahaan waxa maanta farxad weyn noo ah inuu midho dhal noqdo dedaalkii aanu ka galnay in dib loo furo diiwaan-gelinta xisbiyada, waayo waxa taa ka faa’iidaystay ASAD iyo ururka cusub ee KULMIYE, anagana waxa golayaaal ahaan nala gudboon inaanu abuurno saaxaddii lagu tartami lahaa iyo shuruucda doorashada lagu dhaqayaa noqdaan, kuwo loo simanyahay oo aan cidna ka hiilin, cidna u hiilin” sidaa waxa yidhi gudoomiye-ku-xigeenka 1aad ee wakilada Mudane: C/qaadir X. Ismaaciil Jirde oo madashaa ka hadlay.
Cali Warran-cadde oo ka mid ah siyaasiyiinta ururka SAHAN ayaa isna xusay is-diiwaan-gelinta ASAD, wuxuuna yidhi “Waxaan maanta ku farax-sanahay inuu ururka ASAD is-diiwaan-geliyo oo uu maanta ka mid noqday ururada diiwaan-gashan”.
Cali Warran-cadde waxa kale oo uu ka hadlay wacyiga cusub ee ay Somaliland hadda ku jirto ama ku soo fool leh, wuxuuna yidhi “Halka wanaagsan ee aynu maanta marayno waxaynu soo gaadhnay iyada oo aanay ax-saabi jirin, waxaynunaku soo gaadhnay wadajir, laakiin hadda wixii ka damabeeya wixii ka xumaada Somaliland waxa eedeeda loo xanbaarinayaa nidaamka Ax-saabta badan ee aynu maanta galnay”.
Dabcan cidkasta oo madasha ka hadashaa waxay ugu horayn u mahad-naqaysay Xisbiga cusub ee uu ku dhawaaqay siyaasiga caanka ah Axmed-Siillaanyo, laakiin mahad-naqaa ka dib, waxay sheekadu u gud-baysay gees kale.
Canab Cumar Ileeye oo ka mid ah xubnaha caanka ah ee haweenka Somaliland, kana mid ah urur-siyaasadeedka HORMOOD ayaa ka mid ahaa dadkii madasha ka hadlay waxayna Marwo: Canab si dhiiran u ridatay weedheeda Siyaasadeed, iyadoo si gaar ah u tumaatiday ragga talada haya oo ay kutidhi ha noqonina niman maro ku dheg ku ah xilalka, laakiin ugu horayn waxay uga mahad-naqday sidii wax u maamuleen markii ay timi geeridii Madaxweynihii hore,waxayna tidhi “Markii uu Madaxweynihii dhintay golayaashu si wanaagsan oo aan ku farxay bay wax u qabteen,waana ku amaanayaa”, laakiin Marwo:Canab intaa kagama ay hadhin golayaasha ee aad bay farta ugu goday waxayna tidhi “Laakiin saddexda gole waxaan leeyahay ha jeclaysanina kuraasta ee baneeya fursadda ,waayo xataa haddii waxkasta oowanaagsan samaysan oo aad meesha welligaa iska yuururto marka dambe waa lagu nacayaa, markaa waxaan idin leeyahay meesha ka kaca weligiin ha yuururina oo marba sannad ha korodhsanina’e”
Marwo: Canab waxa kale oo ay ka hadashay dhinaca haweenka iyo doorka ay ku leeyihiin kaalinta siyyaasadda,waxayna tidhi “Hadii aanu haweenka nahay waanu dhaafnay xaabadii aad nagu guri jirteen ,markaa marka aad noo yeedhaysaan ha noogu yeedhina inaad jaran-jarada nagaga baxdaan oo keliya ee waa inuu qorshahayagu meel iska yaalo”.
Suldaan C/raxmaan oo ka tirsan Golaha Guurtida iyo ururka UDUB, kana mid ah ragga ay Marwo: Canab la hadshay ayaa isna halkaa ka hadlay wuxuuna yidhi “Anagu haddii aanu nahay dawladda ama ururka UDUB waanu soo dhowaynaynaa ururka KULMIYE. Gabadhii halkan ka hadashayna (Canab) waxaan leeyahay sidaad noola hadashay waa daw, in nalala hadlo iyo in nala riixaana waa daw, inaanu kursiga ka ruqaansanana xaq baa naloogu leeyahay, laakiin sida nalagaga helayaa waa sidan iminka la bilaabay, tartankana diyaar baanu u nahay ee waxaanu diidanayn tartan la geli maayo,cidda soo baxaysaana way qoran tahay oo Illaahay baa og”.
Gudoomiye-ku-xigeenka ururka ASAD C/raxmaan Aw-Cali Faarax ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaana weedhihiisa ka mid ahaa “Aniga oo ku hadlaya magaca is-bahaysiga ASAD waxaan u hambalyeynayaa Xisbiga cusub ee KULMIYE, Axmed-na waxaan leeyahay kuma cusbid miidaanka Siyaasadda waayo halgankii qadhaadhaa ee xoriyadda Somaliland lagu keenayna hormood baad ka ahayd, markaa xaq baad u leedahay inaad ku soo biirto kaalinta, waxaadna ka mid tahay dadkii ugu mudnaa”.
C/raxmaan Aw-Cali waxa kale oo uu yidhi “Illaahay waxaan ka baryayaa inay xisbiyadu noqdaan kuwo tayo leh oo kaalintooda ka soo baxa, waayo bad-naantu waxba ma tarto, marxaladdan aynu maraynaana waa mid u baahan in wadajir lagaga gud-bo, waayo waa mar-xalad xasaasi ah”.
C/raxmaan Aw-Cali waxa kale oo uu ka hadlay si-diiwaan-gelinta ururkiisa iyo sababta uu markii hore isu diiwaan-geliyey, wuxuuna yidhi “Had iyo goor waxa lagu cel-celiyaa ururka ASAD is-ma diiwaan-gelin, laakiin wixii aanu isu-diiwaan-gelin waynay horena way u jireen, haddana way jiraan, markastana anagu diyaar baanu u nahay doorasho xor ah oo xalaal ah, hadii taa la heloyana ma jirto wax kale oo loo baahnaan lahaa, Is-diiwaangelinta ASAD-na waxay ku timi niyad-sami aanu tusayno ummaddayada reer-Somaliland iyo hogaanka cusub ee dalka oo aanu diyaar ula nahay inaanu si wadajir ah ula qabano hawsha qaran ee ina hortaal, xukuumadda iyo golayaasha qarankana waxay hawshoodu tahay inay dhamaystiraan shuruucdii iyo jawigii lagu heli lahaa dorasho xalaal ah, waana inaynu indhaha Caalamka tusno inaynu nahay ummad wax qabsan karta, inaga oo Illaahay la kaashanayna”.
Intaa ka dib waxa cod-baahiyaha lagu soo dhoweeyey Xaaji Cabd-Waraabe, wuxuuna jeediyey hadal dheer oo uu dhinacyo badan u dhigay, waxaana weedhihiisa ka mid ahaa “Dadka xurguf baa wada dhexmartay, taas oo iyadoo aanay waxba dhexmarin ay laba aan is-aragi is-diideen, qabyaalad laguma walaaloobi karo, laakiin habraha yaan la sharaysan, waayo waxay jireen iyadoo aanu ingiriis joogin oo aynaan wax dawlad ah haynin”.
Xaaji Cabdi- Waraabe markii uu intaa yidhi wuxu u fuulay gudoomiye-ku-xigeenka ururka ASAD C/raxmaan Aw-Cali oo uu ay u yeedhista makarafoonka isku xigeen, wuxuuna yidhi “ C/raxmaan Aw-Cali cadho qaada mooyaane waa nin Somaliland ah, nebigeenuna wuxu yidhi kii aan cadhooni ummadayda maaha kii aan ka soo noqonina ummadayda ma aha, C/raxmaan Aw-Cali waxaan u qirayaa Somaliland-nimo, laakiin raggii qaarkii maaha inuu C/raxmaan Aw-Cali ku ilaawo muran iyo ilaaq yar, waxaanse ku wacdiyayaa C/raxmaanow ma tihid nin gidaarada ka hadla, waayo taa waad dhaaftay oo Somaliland baad badhaa, oo aad Madaxweyne u noqotay, waxaadna ahayd ninkii Somaliland qabyaalad kaga dhex baxday markii uu dhacay dagaalkii masiibada ahaa, markaa muran iyo hadal xun iska ilaali”.
Xaaji Cabdi-Waraabe wuxu haddana u jeestay dhinaca Axmed-Siilaanyo wuxuuna ku yidhi “Odayga Xisbiga furtay sida uu C/raxmaan sheegay maaha nin cusub, laakiin haddii uu nin madax noqdo ama uu maal leeyahay intiisa wanaagsan lama sheego ee waxa uu gefay ayuun baa la sheegaa, anigu Axmed –siilaanyo aad isuma jeclin laakiin waxa uu yahay qarin maayo, markaa ninka jabhad u madax noqday ee aan jeelka Itoobiya nin kaga iman inuu nin weyn oo xil qaadi kara yahay baa halkaa ka muuqata, Axmed intii uu yimi oo dhan wer-wer baa aniga igaga jiray waayo waxaan uga baqanayey inuu ciiro oo uu bari u ciiro oo uu beel sheegto, reer-hebeshana waa la kala jecel yahay,illaahayna dembiga ha iga dhaafee hadallo xan ahna waan ku tuuray oo waxaan idhi waar wuu qabyaalad jecel yahaye ceeb kale ma laha’e , ma laga yaabaa inuu Ninkaasi reer-hebel sheegto ayaan wax badan idhi. Laakiin Axmed waa nin madaxnimo qaadi kara oo dalka hogaamin kara.
Anigu aniga oo UDUB ah oo laygu yaqaan inaan taageero had-ba dawladda dhisan, haddana kursigaan la socdaa oo kii kursiga ku fadhiistaba waan la shaqaynayaa oo weligayba nin lama aan socon ee waxaan la socdaa madaxnimada, Axmed-na waxaan leeyahay oday baad tahay ee haddii aad heshona si fiican u hogaaami, waanuna kula shaqaynaynaa, haddii aad waydona nin cadhooda ha noqon.
Nabadana shicibkaa dhaliyey, anagana odayaal wanaagasan baad naga dhigteen waayo waad na maqasheen oo waad na ikraanteen”.
Ugu dambayn Xaaji Cabdi-Waraabe wuxuu u jawaabay Marwo: Canab Cumar Ileeye, wuxuuna yidhi “ waxaan ku leeyahay nin kursi ku fadhiya gef laga waayi maayo waayo nin baa gacan ku qawedeya , nin baa xukun ku qawedeye, iminkaba haddii aad ku fadhiisatan marka ay ugu liidato waxa la idin odhanayaa waar wuxu ileyn qof dumar ah ayey ahayd,markaa waxaan idin leeyahay cabasho uun ha ku jirina’e si raganimo leh tartanka uga soo qayb gala waanu idin ogolahaye”.
Xaaji Cabdi-Waraabe waxa kale oo uu ka digay mushkiladda dhulka, wuxuuna yidhi “Colaaddii waxay gashay dhulkii markaa waa in dhulka sida wax looga qabanaya laga tashado waayo doorasho la geli kari maayo inta uu dhulku caynkan yahay, maantana carqaladda ugu xun ee colaaddu ka socoto ee ina hor joogtaa waa dhul.
Xigasho. Waxa qoray waqtigaas Wargeyska Haatuf
Hargaysa SDN/QJ