|

Saddex Ka Mid ah Tiknikada Somaliland Oo u Goostay Dhinaca Maleeshiyada Khaatumo

Laascaanood:Aug,07,2014(SDN/.QJ)-Waxa Habeenkii xalay ka Goostay Ciidamada qaranka somaliland eek u sugan Jiidda hore ee Aagga Laascaanood Saddex ka mid ah Gaadiidka Qoryuhu saanan yihiin iyo tiro ka mid ah ciidamada.

Khaatumo militiaGaadiidka ay ciidamadu la goosteen ayaa markii hore ahaa afar qoryo saaranyihiin Waxanu shil ku gormaday mid ka mid ah gaadiidkaasi oo qorigii ay kala tageen intii kalena waxay hadda gaadheen deegaanka Saaxdheer oo ku sugantahay Maamulka Khaatumo oo hadda deegaankaasi ka arimiya.

Doolaal Cabdi Xaabsade ayaa waxa uu fadhiyay Taliska Guud ee Magaalada Laascaanood waxaanu ahaa Taliyihii Watay Dagaalkii dhawaan Khaatumo iyo Somaliland ku dhexmaray Deegaanka Saaxdheer ee ay ku  qabsadeen Baabuurka iyo Maxaabiista .

Doolaal Cabdi Xaabsade ayaa ahaa Ciimadii ugu horeeyay Ee La qarameeyay Wakhtigii la qabsaday Deegaanka Sool waxaanu ahaa  Taliyayaasha ugu Cad Cad ee Deegaankaasi Looga dambeeyo marka Laga Tago Taliye Mahad Cambaashe oo Isaguna Haysta Ciidamada ugu badna ee Deegaanka SOOL.

Gaadiidkan ayaa waxa ku jira Gaadhi Seeraf ah oo xukuumada Somaliland si khaas ah u siisay Taliye Doolaal Cabdi Xaabsade.

Wararka Ay shabakada Qurbejoog heshay ayaa sheegay ina Doolaal Cabdi Xaabsade iyo  Baashe Maxamed Farax isku dheceen dhawaan kadib markii la isku qabsaday cidda loo dhiibayo gaadhigii La Qabsaday Maamulka Khaatumo ee Gacanta u soo galay Somaliland kadib markii uu dalbaday in Isaga loo soo gacan galiyo si uu ugu soo xareeyo baabuur badan oo ka soo goosanaysay Maamulka Khaatumo isagoo Baashe Maxamed Faaraxna Ka leexiyay una diiday ugacan galinta Baabuurkaasi.

Ciidamadan oo uu horkacayo Doolaal Cabdi Xaabsade oo ay Walaalo yihiin Wasiirkii hore Ee Gadiidka Somaliland ayaa ku soo aadaysa Wakhti Walaalkii AXmed Cabdi Xaabasade uu ka rajo dhigay Somaliland doonaya inuu Ka goosto inkastoonu wali Meelaysan goobtii uu ka soo jeedsan lahaa Axmed Cabdi Xaabsade.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed