|

SADAASHA : HADII GUD. SULAIMAN SANAD U KORDHIYO MADAXWAYNE SIILANYO

Doorashadii waa soo socota, KULMIYANA  waa sii socda, Inkastoo  Madaxwayne Siilaanyo ku dhawaaqay  inay doorashadu dhacayso waqtigeeda, hadana saan-saankeedi ma muuqdo . Waxa laga shakisanyahay  mudo-kordhin   uu qorshaynaayo    Guddoomiye Sulaiman iyo Golahiisa Guurtidu. Hadaba ,  maxaa dhici kara hadii  mudo kordhin   loo  samaeeyo Madaxwayne Siilaanyo ? Waxa dhici kara sadex xaalo oo kala daran:
A)  SCENARIO 1 :MADAXWAYNE MUCAARID AH : Waxa  suurta gal ah in Xisbiyadda  Mucaaridku ku dhawaaqaan  Madaxwayne ka tirsan mucaaridka ,   ayagoo u  arkaa inay haystaan  kalsoonida shacabka .
B) SCENARIO .11 : MADAXWAYNE BEELEED: Waxa soo  if-baxay dhaq-dhaqaaq  la nooc ah dhaq-dhaqaaaqi  Garadag  ee   Madaxwayne Siilaanyo dhagax-dhigay.Waxa suurta gal ah in shirkii GARADAG mid la mid ah la qabto, oo lagu dhawaaqo “MADAXWAYNE BEELEED”
C) SCENARIO 111TAHRIIR SQUARE.  ‘”    waxa dhici karta  in dadwayne   gadoodsani daaqadaha ugu daataan    “QASRIGA  MADAXTOOYADDA ”, sharcigana gacantooda ku qaataaan.
Hadaba si aanay Somaliland  u gelin  qalalaase siyaasadeed, waxa la gudboon Madaxwayne  Siilaanyo  inuu  doorashada ku  qabto   waqtigii loogu talo galay, nasiibkiisana  ka qaado doorasho xor ah oo xalaal ah.
Wa bilaahi Towfiiq., Toronto.
Ali Ibrahim “ Baqdaadi”

Comments are closed