Sabir Yeelo Hakana Quusan Raxmaadka EEBBE
Nebi Ayuub CS iyo Afadiisu waxay ku noolaayeen dhulka SHAAM, noloshoodu waxay ahayd mid ku dhisan raaxo iyo badhaadhe aan kala go’ lahayn. Siday culimada tafsiirka iyo taariikhdu tibaaxeen, Ayuub CS wuxuu ahaa Qof xoolo badan,naxariis badan,Alle kacabsasho badan isla jeerkaana dhibirsanaan badan. Waxa uu wanaajin jiray oo uu quudin jirey masaakiinta, wuxuu kafaalo qaadi jirey Agoomaha iyo dadka tabaalaysan, martidana si suuban buu u sooryi jirey. Wuxuu ahaa Qof Illahay SWT ugu shukriya nimcooyinka uu ku galladay, wuxuu gudan jirey oo uu bixin jirey xaqqaa Ebbeku leeyahay maalkiisa. Sidoo kaleAfadiisu waxay aheyd mid had iyo jeer Eebbe ugu mahad naqda waxa uu ku arsaaqey Caruur iyo maalkan uu Alle u balaadhiyey Seygeeda.
Akhriste waxaad ogtahay in qofba wixii Eebbe siiyo uu ku imtixaanayo, ka maal, caruur iyo raaxo aduun layskugu daro, waa lagu imtixaanayaa sidoo kale ka sidaa si ka gedisan wax loo siiyo isna waa lagu imtixaanayaa,“لئن شكرتم لئزيدنكم ولئن كفرتم ان عذابي لشديد“. Nebi Ayuub, Afadiisa iyo caruurtiisuba waxay nimcadaa ku jiraan, waxa u bilaabmay imtixaankoodii u horreeyey. Waxa madhay oo geeiyooday Ehelkiisii afadiisa mooyaane. Waxa jidhkiisa lagu imtixaanay cuduro kala gedisan oo tiro badan. Nebi Ayuub CS jidhkiisa meel caafimaad qabtaa majirin, marka laga reebo Carabkiisa iyo Qalbigiisa oo uu ku xuso Eebbe SWT. Dhammaan mushkiladahaa wuu u sabrey Nebigu CS. Habeen iyo maalin, gelin hore iyo ku dambe-ba wuxuu xusayay Khaaliqii uumey. Mudo kadib waxa kusii dheeraaday xanuunkii, dadkiina wey gooyeen oo kamay soo agwareegin. May jirin cid xanaaneysaa oo caawisa, Afadiisa oo xaalkeedu daciifay xoolaheeduna yaraadeen mooyaane. Afadiisu markii ay xoolihii iyo maalkii badnaa weyday, waxay ka shaqayn jirtay Guryaha dadka oo ay xoogaa gunno ah ka qaadan jirtey, si ay ugu quudiso seygeeda xanuunsanaya. Marka kasta oo uu xanuunku ku siyaado Ayuub CS waxa badan jirey Sabirkiisa iyo u mahadnaqiisa Eebbe. Afada Ayuub CS waxay xanaaneynaysay mudo 18sanno ah. Waxayna tusaale togan ka tahay gabadh baarri u ah seygeeda.
Xanuunka daran ee Ayuub CS, wuxuu ku ahaa mid ku raali ah oo ku sabraayey, kamanuu xanaaqin daqiiqad keliya. Sidaa darteed Alle SWT wuxuu ku tilmaamey “انا وجدناه صابرا نعم العبد انه أواب ” .
Sufyaan Athowri waxa laweydiiyey laba Addoon oo lawada imtixaamey, midkood wuu ku Sabrey ka kalena uu ku shukriyey oo ku mahadnaqay. Wuxuu yidhi Sufyaan : labadooduba waa isku mid. Maxaa yeelay Allah SWT waxa uu si siman u ammaaney laba qof, mid waa sabir badane midna waa shukri badane. Alle SWT isagoo sifaynaya Ayuub wuxuu yidhi “ نعم العبد انه أواب” sidoo kale isagoo sifeynayaSuleyman CS wuxuu yidhi “ نعم العبد انه أواب” .
Muddo dheer oo Ayuub CS xanuun la walaaloobey kadib, wuxuu bilaabey duco iyo baryo uu baryayo Rabbigii sw isagoo weydiisanaya inuu kadul qaado balaayadan ku habsatay isagoo leh “اني مسني الضروانت أرحم الراحمين ” .
Alle SWT waa ka aqbaley ducadiisii, balaayadiina wuxuu kaga dulqaadey awoodiisa aan xuduuda lahayn, taasoo hadduu ku yidhaahdo shay noqo uu noqonayo. Kadib waxa uu Rabbi SWT amrey in uu lugihiisa ku dhufto dhulka “ اركض برجلك هذا مغتسل بارد وشراب” markuu fuliyey amarkii goobtuu ku dhuftay lugihiisa waxa kasoo butaacey biyo macaan, wuu cabbey Ayuub CS kadib waxa kadawoobey cuduradii caloosha, haddana waxa la amrey inuu ku maydho, wuu fuliyey oo ku maydhay biyihii, waxaana ka dawoobey xanuunadii jidhka sare.
Ayuub CS oo lugihiisa kusocda ayaa kusoo laabtey xaaskiisii , markay aragtay afadiisii sabirka badneyd, may garan in uu yahay Ayuub, waxay arkaysay keliya in uu u’ eegyahay Seygeedii ka hor intaan la imtixaamin. Waxay weydiisey: “ miyaad aragtay seygeygii la imtixaamey?” waxay ku tidhi ” waad isku eegeydeen ka hor intaanu xanuusan”. Nebi Ayuub CS wuxuu ugu afceliyay:” Ayuub baan ahay, Allah-na wuu iga daweeyey dhamaan wixii laygu imtixaamey!” . Allah-na wuxuu yidhi “ ووهبنا له اهله ومثلهم معهمم رحمة منا وذكرا لأولي الأباب” Eebbe SWT waxa uu kusoo celiyey Nebi Ayuub sidii uu ahaa si kawanaagsan. Waxa uu Eebbe SWT usoo celiyey caruurtiisii iyo maalkiisii oo laba-laaban.
Waad garan kartaa akhriste waxa uu ku muteystay nimcada intaa leeg, waanad arkaysaa sida uu uga gudbay imtixaankii xanuunka kululaa ee ku habsaday.
Su’aalahani waxay kusocdaan dadka ka quustay raxmaadka Eebbe kuna guul-darreystay imtixaankii lamariyey. Quustoow waxaan ku weydiiyey, sidani makugu dhacday oo:-
ma weyday dhamaan caruurtaadii?
Ma lagaa qaaday maalkaagii oo dhan?
Ma weyday caafimaadkaagii ?
Maku inkireen dadkii oo dhami?
Haddii ay maya tahay waabay tahaye, ku cibro qaado ooh aka quusan raxmaaadka Eebbe.
gunaanadkii waxaan ku soo afmeerayaa hadalkan Eebbe SWT ee uu inagu dhiiri gelinayo ineynaan ka quusan raxmaadkiisa “ ولا تقنطوا من رحمةالله ”.
Allaa mahad leh.
W/Q= في كتابه هكذا هزموا اليأس سلوى” “العضيدان
W/T= Mustafa Beddel Abdi