Sababta uu Wasiir Warancade Ku Waayay Xilkii Balaadhnaa ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Sadex Qodob ku Soo Ururtay
Hargaysa 16.Aug 2016 (SDN/QJ):- Cali Maxamed Warancade oo ahaa Wasiirkii 3aad ee Soo Qabtay Xilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudadii Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka mid ahaa Shakhsiyaadkii laga bedelay Xilkaas loona Magacaabay inuu Noqdo Wakiilka Somaliland ee Dalka Itoobiya.
Inkasta oo ay Madaxweynaha Gaar u tahay Sababta uu Xilkaas uga Bedelay hadana Marka la ablo ableeyo Xaalada Siyaasada Somaliland iyo Siraha aan qarsoonayn ee ka soo baxa Qasriga Madaxtooyada ayaa Tibaaxaya in Sadexdan Qodob Midkood uu Xilkaasi ku waayay Kuwaas oo Kala ah.
1- Cali Warancadde wiil uu dhalay oo isu soo sharaxay golaha wakiilada iskana sharaxay xisbiga mucaaridka ah ee waddani oo xukuumaddu ka dalbatay wasiirka inuu yarka ku qanciyo inuu kulmiye iska sharaxo balse yarku markuu la tashaday cidduu codka ka doonayay oo ah beesha uu ka dhashay ay ka diideen oo ay shuruud kaga dhigeen inuu cod ka helo inuu waddani ku adkaysto.
2- Cali Warancadde oo joojin kari waayay shirkii Beelweynta Garxajis ku qabsatay magaalada Hargeysa ee Tol-wanaaje oo ka dhacay Hotel MaroodiJeex oo ku yaal guriga uu Cali warancadde ka degan yahay bariga Hargeysa meel aan waxba u jirin.
3- Ta saddexaad waa istiraatijiyad la xidhiidha diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo doorashada Sannadka Soo Socota dalka ka qabsoomi doontaa oo Qorshaha Xukuumadu yahay inay si Wanaagsan uga Hirgasho Gobolada Bari Gaar ahaan Gobolka Sool iyo Buuhoodle,Maadaama Wasaaradani ay Shaqadeedu tahay Sugida amniga iyo Sidii ay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka uga Gacan siin lahayd hawlaha doorashada iyo diiwaangelinta Codbixiyeyaasha,Taasina ay Waajib ka dhigtay Sidii loo Heli lahaa Siyaasi Miisaan leh oo u babac dhigi kara hawshan baaxada leh.
Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Yaasiin Faratoon ayaa Xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumaddii Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Waxaanu dhawr iyo Tobankii Sanno ee u danbeeyay ku Noolaa Magaalada London ee dalka Ingiriiska,Isagoo dib dalka ugu soo laabtay dabayaaqadii Bishii May ee Sannadkan Waxaanu door weyn ka ciyaaray Shirar Nabadeed oo u dhexeeyay Xukuumadda iyo Beeshiisa oo ka dhacay Deegaanada Awr Boogays iyo Xudun.