|

Sababta Dr Macow Loo Xidhay Oo Iskugu Biyo Shubatay Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Koox Dhakhaatiir ah oo Heshiis ku ah Dhiig-miirashada Danyarta

Hargeysa:28-March-2014(SDN)-Waxa uu war ka soo Baxay Sababta Rasmiga ah Ee Dawladda Somaliland u xidhay Dr Macow oo Dhawaan Xarun Caafimaad ka Furtay Magaalada Hargeysa, kaas oo La Qabtay Xilii Uu Doonayey inuu  Bilaabo Shaqada Xaruntiisa Cusub.

macowCiidanka Booliska ayaa Taxaabay Diktoorkan xilli ay Dad Badan oo Dalka ku dhaqani sii Goosteen Tigidhada Loogu Gelayo ka hor intii aanu Iman, waxana La Sheegayaa inay Xadhigiisa ka Dambeeyeen Koox Dhakhaatiirta ugu Waaweyn Dalka ah  oo Adeegsanaya Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka.

 

Sida ay sheegayaan wararka Hoose ee ay Helayso Qurejoog.com, waxa ay Dhakhatiirta waaweyn ee Hargeysa ku Sugani ka War heleen in dad aad u tiro badani iska Diiwaan geliyeen Xarunta Diktoorkani ka Furtay Hargeysa, taas gelisay shaki ah inay Gacantooda si fudud uga Bixi karaan Dad ay haatar ka hor haysteen oo aan Haysanin meel kale oo ay Tagaan, waxana ay Markiiba Wargeliyeen Masuuliyiina Wasaaradda Caacimaadka oo ay Saaxiibo dhaw ku yihiin inay Dadka Liita iyo Noloshoodu Hoosayso Ka Cararaan Daaweyntooda iyo daryeelkooda.

Dhakhaatiirtan ayaa si Midaysan ugu tegay Wasaaradda Caafimaadka, waxana ay u sheegeen inuu soo Socdo Dhakhtar ay Dadka Badidiisii ku jabeen isagoo aan dalkaba imanin,  taasina ay Halis ku hayso Dakhligii ay heli jireen oo Dabcan Xubno wasaaradda Caafimaadka joogaana  Wax laga soo Gaadhsiiyo iyadoo laga cararayo in Umadda loo shaqeeyo oo Cisbitaalka Weyn la Fadhiisto.

Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka oo ay kow ka Tahay Wasiir-ku-xigeen Nimco Xuseen ayaan ka Laba labaynin Taladaas uga Timi Kooxdaas Dhakhaatiirta ah ee ay isku Xidhan yihiin, waxana ay Markiiba Maleegeen Dabin Dhakhtarkan lagu Nashuushadaynayo, kaas oo ah inaanu sifo sharci u marin Xaruntiisa Caafimaad ee uu Magaalada Hargeysa ka Furtay.

Wasaaradda caafimaadka ayaa intaas ka dib Amar siisay Ciidanka Booliska, waxana la Soo qabtay Diktoorka oo Markaas uun wadanka yimi, isla-markaana ilaa iyo Hadda ku jira Gacanta Ciidanka Ammaanka Somaliland oo aan sheegin sabab ay ku haystaan.

Masuuliyiinta wasaaradda Caafimaadka ayaa la sheegaa inay si dhaw iskugu xidhan yihiin innta badan dhakhaatiirka waaweyn ee Somaliland ka shaqaysata, kuwaas oo ay ku shuraakoobeen inaanay dhakhaatiirtaasi imanin Xarunta Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo haatan ka Hor ay Khasab ahayd inay u soo Shaqo tagaan, balse Muddooyinkii dambe Dhakhaatiirta waaweyni waxa ay ku eg yihiin xarumahooda Gaarka ah, mana Tagaan Cisbitaalka Guud  maadaama ay Masuuliyiinta ku Laaluusheen inay ku sugnaadaan Shaqadooda Gaarka ah.

Dr Macow ayaa ah Qurbejoog dalal ku yaalla Yurub iyo maraykanka ku leh Xarumo Caafimaad, waxana inta Badan uu ku shaqaystaa Khibradd iyo waayo aragnimo uu Caafimaadka u leeyahay oo dad badani ku Amaamaan.

Sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha Sababta keentay inuu Diktoorku helo Tiro dad ah oo aad u tiro badan xilli uu dalka dibadiisa ku maqnaa, ayaa sheegaya in inta   badan dadka is diiwaangeliyey ay talooyin ka heleen Ehelladooda oo yurub joogo, kuwaas oo kula Taliyey inay ka Faa’iidaystaan Imaanshiyaha Dr macow ee dalka.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed