Sababihii ay Navy SEAL-ka Mareykanku Faro marnaanta ugala noqdeen Baraawe
NY Oct 09,2013(SDN)-Koox ciidana oo laba dersin ka yar oo la socda doon dheereysa ayaa dhawaan ka degay xeebta magaalada Baraawe si ay gacanta ugu soo dhigaan nin ka mida kooxda Al Shabaab sida ay dawlada Mareykanku shaacisay.
Kooxda oo ay daba socdeen laba doomood oo kale oo ciidan la socdo ayaa kolkii ay xeebta ka degeen waxa ay tageen aqal si weyn loo ilaalinayo oo uu ku sugnaa ninka Mareykanku baadi goobayo.
Mareykanka ayaa sheegay in ay doonayeen in ay qabtaan Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo Ikrima loo yaqaano.
Ciidamada SEALska ayaa kolkeey gaareen aqalka oo ay isku diyaariyeen in guddo galaan hawlgalkoodii qabashada ayaa waxa dibedda aqalka uga soo baxay mid ka mida ilaaladii aqalka oo dibedda Sigaar ku soo cabayay.
Ninkan Shabaabka ah ayaa si caadi ah sigaarkiisa u dhameystay kiyoo iska dhigaya in aanu arag askarta,ka dibna aqalka ayuu dib ugu noqday.
Sida ay ilo wareedyo u sheegeen TV-ga NBC askaragii Shabaabka ahaa ayaa dib aqalkii uga soo baxay waxaanu rasaas huwiyay SEALskii dhuumaaleysanayay.
Intaa ka dib waxa dibedda u soo yaacay ciidamo aad u hubeysan oo faro badan waxaana ay ciimadamadii Mareykanka ku khasabtay in ay dib u gurtaa.
Ilo wareedyadu waxa ay sheegeen in Ciidamadu doonayeen in ay dagaalamaan balse ay magaaladii Baraawe oo idili ku soo baxday.
Sidoo kale waxa ay ilao wareedyadu soo tebiyeen in ay ciidamadu kolkii ay arkeen caruur dhexyaaceysa Shabaabkii rasaasta ridayay ay goaan sadeen in aaney dagaalamin.
Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir Ikrima ayaa ay arkayeen ciidamada Mareykanku kiyoo taagan mid ka mida daaqadaha aqalka,balse waxba kama aaney qaban kareyn.
Xoghayaha warbaahinta ee wasaaraa Difaaca Mareykanka George Little ayaa sheegay in ciidamadoodu ay fuliyeen hawlgal lala beegsaday Cabdiqaadir Ikrima.
Hadalka Xoghayaha ayaa lagu sheegay in Ikrima uu yahay shakhsi ku lug lahaa qaraxii safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Mombasa.
SDN-NY
contact@somalidiasporanews.com