Sababaha uu Guddoomiye Faysal uga hadalay kulankii qarsoodiga ahaa ee uu Shariif la yeeshay
Hargeysa April 27,2012(SDN)-Guddoomiyaha xisbiga UCID INJ Faysal Cali Waraabe ayaa si kedis ah saxaafada uga waramay kulan qarsoodi ahaa oo uu la yeeshay madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Guddoomiyaha ayaa saxaafda la hadlay ka dib kolkii mucaaridka Somaliland ka bixiyeen kulnka sawir qalafsan.
Si hadaba taa looga saadho meesha ayuu guddoomiye Faysal saxaafada uga waramay nuxurka kulanka uu Shariifka la qaatay.
Xogta labada dhan isweydaarsadeen ayaa waxa ka war helay kooxo ku xidhan mucaaridka hubeysan ee Somaliland.
Guddoomiye Faysal ayaa saxaafada u sheegay uun ay si kedis ah u kulmeen Shariifka ayna ka wada hadleen uun arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya ee iminka cakiran.
Ma cada natiijada dhabta ah ee ka soo baxday wada hadalka labada dhan.
SDN-Hargeysa