“Saaxiibkay Maxamed Kaahin Wuxu been cad oo qaawan ka sheegay farogelinta xisbigiisu uu ku hayo Xisbiga UCID “ Cali Guray
Hargaysa 07.October 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka falceliyey hadal uu Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed Xisbigiisii kaga fogeeyay inuu ku lug leeyahay Khilaafaadka Xisbiga Ucid.
Qoraal Kooban oo Cali Guray ku faafiyey Barta uu ku Leeyahay Shabakada Facebook ayaa u dhignayd Sidan: ”Saaxiibkay Maxamed Kaahin ma jecli in aan u jawaabo oo aan u jawaabo jawaabta uu istaahilo. Wuxu been cad oo qaawan ka sheegay farogelinta xisbigiisu uu ku hayo Xisbiga UCID iyo sidii uu u curyaamin lahaa hadii uu kari waayo in uu gebi ahaanba burburiyo wax teelo ahna uma dhiganin dagaalkina wuu socdaa hadii Alleh yidhaa guushana UCID baa leh. Annaga yaanu naga dhigin dad indho la’ oo dhego la’ oo aan godobtoodu halkay tahay garan karin. Cirro iyo WADDANI in kasta oo ka mucaarid ahaan aanay iskaayo dhinac taagin oo iska daa waxtar eh xataa aanay erayna noo odhan wax ay na yeeleen ma jirto.
Maxamed Kaahin waxan leeyahay “Maxamadow Aar Nin Ganay Iyo Nin Galaday Kala Og”. Ninkii gabyay wuxu yidhi:
NIN I LURAY NIN IGU LAADSADAY IYO NIN I LAMAANEEYAY
IYO NIMAAN LURKAYGANA JECLAYN LIBINA II DIIDAN
INTAASUU ISUGU LOOHAN YAHAY LOOLKI II XIGAYE