|

“Saaxiibadeydaas iska casilay xilkii ay hayeen markii hore ikhtiyaarkooda ayey xisbiga ku yimaadeen iminkana ikhtiyaarkooda ayey kaga baxeen, Xisbiguna Waa Dimuquraadi” Cirro

Hargaysa 17.July 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland ahna gudoomiyaha  xisbiga mucaaridka ah ee  wadani cabdiraxmaan maxamed  cabdilahi ciro ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey ka dib markii safar shaqasi ah uu ugu maqanaa dalka aynu jaarka nahay ee jabuuti.

CirroGudoomiyaha oo ugu horeyn ka hadlaya safarkii uu ugu maqanaa dalka jabuuti ayaa waxaa uu yidhi “Waxaan  halkan salaan ugu gudbinayaa munaasibada ciida awgeed bulshada rer somaliland iyo bulshada  muslimka ahba waxaanan leeyahay sanadkaas sanadkiisa ku gaadha bash bash iyo barwaaqo .

“Safar gaaban oo shaqasi ah baan, ku tagey dalka jabuuti  waxaanan ku faraxsanahay in dalkii si nabad ah  iyo caafimaad qab ah ugu soo noqdey  waxanan jecelahay in aan shacibigeyga si nabad ah kula ciido “ayuu yidhi gudoomiye Ciro

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu ka hadley  masuulyiin dhawaan iska casilay xisbiga wadani waxaana uu sheegay in  masuulyiinta iska casishay xisbiga wadani ay yahiin qaar markii hore ku yimid rabitaan kooda   iminkana ku tagay rabitaankooda isla markaana xisbiga wadani  aanu aheyn xabsi dadka lagu hayo waxaana uu yidhi  “Saaxiibadeydaas iska casilay xilkii ay hayeen  markii hore ikhtiyaarkooda ayey xisbiga ku yimaadeen  iminkana ikhtiyaarkooda ayey kaga baxeen xisbiguna waa xisbi dumuqraadi ah  jeel ma aha dadka lagu hayo  waana imanayaan dadku waana ka baxayaan  .

Ninmankaas wax xumaan ah oo aanu u heyno ma jirto saxiibo nala soo shaqeeyey ayey aheyn “ ayuu ku soo koobay hadalkii Gudoomiye Ciro .

Comments are closed