“Saaxiibaday waxaan leeyahay meelo kale ayaa na kala mashquuliyay ee kuraasidiinii way idiin banaan tahay ee soo fadhiista” Gudoomiye Cirro
Hargaysa 22.Dec 2013 (SDN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Mudane C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa sheegay inuu soo gaadhay qoraal ka soo baxay maxkamadda Sare ee dalka oo sheegtay in la hakinayo goo’aankii shalay ay Goleweynaha wakiiladdu ku meel mariyeen isku shaandheyntii dhawaan uu Guddoomiyuhu ku sameeyay Guddi hoosaadyadda aqalkaasi.
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda waxa uu sheegay inay qoraalka maxkamadda ay jawaab celin doonaan Gole ahaan marka uu soo axadho la taliyaha dhinaca sharciga ee aqalka Wakiiladdu.
“Warqadaasi way nasoo gaadhay, waase aanu ka jawaabi doonaa markaanu u gudbino la taliyaha sharciga ee Golaha Wakiiladda, waxaanan aaminsan nahay in dastuurka dalku kala madax banaaneeyay shaqadda waaxaha kala duwan ee dawladda, annagu (Gole) ahaan ma farro gelino kiisaska dhulka ah ee ay maxkamaddu gacanta ku hayso,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo maanta u warramayay laanta afsoomaaliga ee BBC-da.
Guddoomiye C/raxmaan Cirro waxa uu sheegay in Isku shaandheyntii lagu sameeyay Guddiyadda aqalka wakiiladda ay tahay qaraar Gole oo Xildhibaanadu shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen markii ay dalbadeen in la meel mariyo.
Guddoomiyaha oo la weydiiyay sida uu u arko eedihii ay shalay u soo jeediyeen labadiisa gudoomiye Ku xigeen, waxa uu yidhi “Waa laba nin oo aan jecelahay oo aanu saaxiib nahay waxaan filayaa waxay i siiyeen derajo dheeraad ah, markay yidhaahdeen Xildhibaanadii shalay go’aanka gaadhay waa Xisbiga WADDANI. xildhibaanadii shalay aqlabiyadoodu waxay ahaayeen KULMIYE.”
“Saaxiibaday waxaan leeyahay meelo kale ayaa na kala mashquuliyay ee kuraasidiinii way idiin banaan tahay ee soo fadhiista,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu.
Geesta kalena fadhigii labaad ee kalfadhiga 23-aad ee Golaha Wakiiladda ayaa maanta qabsoomay, iyadoo uu Guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda waxaanay Mudaneyaashu dhegaysteen qoraal dheer oo la xidhiidhay warbixinta shirgudoonka aqalkaasi.
waxa kale oo fadhigan maanta maalintii labaad aan ka soo xaadirin labada Gudoomiye Ku xigeen ee Wakiiladda oo labadii maalmood ee u dambeeyayba dibad wareeg ahaa.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com