|

Saamaynta Isbedelka Cimiladu ku Yeelatay Caafimaadka Afrika

Zimbabwe 09.Jan 2016 (SDN/QJ):- Dalalka Afrika ayaa maaliba ta xigta waajahaya kor u kac dhanka cimilada iyo kulaylkeeda ah. Bishii Oktoobar ee sanadka 2015 Dalka Zimbabwe waxaa ku dhufatay mawjado hanfi kulul ah, qiyaastiina gaadhaysay ilaa 45°C, halka uu isla xiligaas Wadanka K/Afrika heerkulku gaadhay 48.4°C, taas oo ah rikoodh jebin ku timid kulaylkii ugu badnaa ee adduunka oo dhan uu heerkulku gaadho bishaas oo kale.

 

GEELAKoonfur Afrika sanadkii 2015 uma ahayn sanadkeedii ugu kululaa ee soo mara, iyadoo aanay weli caddayn aragtida odhanaysa ‘in kulaylka cimilada ee maalinba ta xigta sii kordhayaa uu saamayn ku leeyahay caafimaadka dadka ku nool dacalka Koonfureed ee Qaaradda Afrika’ tanina waa qayb yar oo ka mid ah werwerka soo kordhaya ee ay sababtay isbedelka cimilada adduunku.mana jiro hanaan si degdeg ah digniin u bixin kara ama ka jawaabi kara marxalada la marayo xilli walba, mana jiro agab halkaa yaalla oo aynu ku dammaanad qaadi karno la socodka iyo ka warhaynta caafimaadka dadweynaha xiliga ay dhacayso dabaysha hanfiga kulul xambaarsan ee xawaaraha dheereeya ku soconaysa.

 

Sida laga soo xigtay daraasado hore loo sameeyey wadamada ka hooseeya saxaaraha afrika waxa kulaylka cimiladoodu kordhi karaa inta u dhexaysa 4°- 6°C. hadii aan hoos loo dhigin qiiqa hawada gelaya. Korodhka heerkulka waxa uu ugu dambaynta noqon doonaa mid xaqiiqo ah. Heerkulkaa oo u badan inuu saamayn rasmi ah ku yeesho caafimaadka guud ee dadweynaha qaaradda.

Hadaba  iyadoo heshiiskii caalamiga ahaa ee isbedelka cimilada adduunka ee dhowaan lagu gaadhay magaalada Paris ee Dalka faransiisku dammaanad qaaday in si heerkulka loo gaadhsiiyo wax ka yar 2°C, ay tahay in hoos loo dhigo kaarboonka hawada gelaya ayaa   Qormadeenan waxaynu ku eegaynaa hadalhaynta badan ee ay qaaradda afrika xiligan hadalhayso isbedelka cimilada iyo saamaynta taban ee ay ku yeelan karto cimiladu guud ahaan Qaaradda, daraasadaha laga sameeyey iyo talaabooyinka lama huraanka ah ee ay tahay in la qaado si loo yareeyo werwerka jira iyo waxyeelada socota ee ka imanaysa heerkulka cimilada adduunka ee kor u sii kacaya

Heerkulka aad u sareeya waxa uu si toos ah u saamaynayaa caafimaadka, isagoo luminaya isu dheellitirkii kulaylihii xubnaha jidhku u baahan yihiin, iyadoo marka heerkulka jidhku  gaadho 38°C uu qofka bani’aadamka ah ku keeni karo daal iyo awood yaraan, sidoo kalena waxa uu sababi karaa qallal ku dhaca qayb ka mid ah jidhka marka uu kulaylka jidhku gaadho 40°C. laakiin daraasadihii la sameeyey ayaa muujiyey inay jiri karaan saamayn kale oo caafimaad oo kor u kaca heerkulku uu keeni karo dhimasho qaflad ah.

 

Sida warbixintani tilmaamayso guud ahaan xidhiidhka ka dhexeeya heerkulka cimilada oo kor u kaca iyo xaaladaha dhimashadu waxay ku xidhan tahay Juquraafi ahaan xaga ah iyo sidoo kale dabeecadaha bulshooyinka lafteeda. Marka uu heerkulku dhaafo xadkii lala qabsaday halista dhimashaduna waxay u kordhaysaa si degdeg ah. Marka ay timaado in heerkulku si degdeg ah kor ugu kaco maalmo yar gudahood sida marka ay soo dhacdo dabaysha hanfiga kulul wadata, waxa suurogal ah in ay waxyeelayso caafimaadka dadka.

 

Tusaale ahaan Sanadkii 2003 Qaaradda Yurub waxay la kulantay xili xagaageedkii ugu kululaa ee qaaradaasi soo mara muddo 500 oo sanadood ah waxana lagu qiyaasay inay neecawda kulul ee xiligaa dhacaysay ay sababi karaysay in ka badan 45.000 oo xaaladood oo dhimasho ah. Dabaysha kulul ee dhowaan ku dhufatay Dalka hindiya oo meelaha qaarkood heerkulkeedu gaadhayo 40°C, waxay sababtay dhimashada 2.300 qof.

Daraasado badan ayaa laga sameeyey saamaynta heerkulku ku leeyahay caafimaadka ee dalalka cimiladoodu dhexdhexaadka tahay iyo kuwa wershadaha leh.laakiin in yar oo keliya ayaa laga diyaariyey gobolada cimiladoodu kulushahay iyo dalalka soo koraya, maqnaashaha xogta noocan ahi waxay caqabado ku keentay go’aankii lAfrika ka qaadan lahyd maalgelinta baadhitaanada iyo kala mudnaan siinta hawlaha lagu raadinayo xidhiidhka ka dhexeeya caafimaadka iyo heerkulka cimilada

 

Saadaasha cimiladu waxay sheegaysaa in heerkulka sii kordhaya ee cimiladu  haliso waaweyn ku hayso  nolosha dadka Afrika, heerkulkan oo laga wada dareemay guud ahaan Qaaradda, iyadoo gaar ahaan meelo ay ka mid yiin jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Kongo iyo somaliland yihiin meelaha ay cimiladu sida aadka ah uga sii kululaanayso.

 

Daraasad ay bishii November ee sanadkan si wadajir ah u sameeyeen jaamacadaha Columbia iyo Arizona ee dalka Maraykanka oo uu wargayska dawan daabacay ayaa waxa ay sii kordhisay werwerka ay Afrika ka qabto korodhka heerkulka cimilada, daraasada oo ay ka soo baxday warbixin ku saabsan in mandaqadda Geeska Afrika ay tahay meesha ugu daran ee ay saamaynta ku yeelanayso isbedelka cimilada adduunku.

 

Daraasadan / ayaa lagu sheegay in Gobolka Geeska Afrika oo ay Somaliland ku taallo uu yahay barta ugu daran ee ay kor uga kacayso cimilada adduunka ee sii kululaanaysa iyadoo weliba bishaasi ahayd tii ugu qabowga iyo qoyaanka badnayd ee Somaliland soo marta sanadkaasi.

Baadhitaanadan ayaa weli ah kuwo xadidan, sababtoo ah maqnaashaha xogo maxalli ah, laakiin fariinta hadhsani waa mid cad oo qeeaxaya in hadii aan shaqo adag laga qaban isbedelka cimilada in uu saamayn xun ku yeelan doono caafimadka bulshada Afrika, isla markaana heerkulku ahaan doono mid kor u sii socda.

 

Waxa kale oo lama huraan ah in xukuumadaha wadamada Qaaradu talaabooyin muuqda ka qaadaan horumarinta arimaha bulshada , tusaale ahaan dalka galbeedka afrika ku yaalla ee Niger oo loogu yeedho magaca (Dhulkii Haweenka) 85% haweenka ku nooli waxa ay weli yihiin kuwo aan waxna qorin waxna akhriyin, tiro yar oo keliya ayaa maaraysa dhul ay dhaxal u heleen, inkastoo in badan oo ka mid ah haweenkaasi ma helaann tababaro ku saabsan sidii ay wax soo saarkooda ugala tacaali lahaayeen duruufaha adag ee ay sababayso isbedelka cimiladu.

 

Barnaamijyada wax ka qaban kara la macaamilka isbedelka cimilada ee lagu taageerayo bulshooyinka ka fog magaalooyinka waxaa ka mid ah hanaanka lacagta taleefoonka gacanta lagu xawisho ee Dalka itoobiya waxaa la socda adeegyo muhiim u ah dadka reer guuraaga ah, adeegaas oo hadda laga hirgeliyey Gobolka Canfarta ayaa u saamaxaya  in xisaabtiisa hadhaageedu noqonayo qiimaha  hantidooda oo ay xoolaha nool ugu horeeyaan, kaasoo yaraanaya marka ay abaari ku dhacdo ee waxyeelo gaadho, hadana u kordhaya marka ay barwaaqo dhacdo ee xooluhuna u dhalaan beeruhuna u soo go’aan, waxa kale oo adeegyada taleefoonka gacanta ugu jira ka mid ah mid ay si fudud ugu ogaanayaan jadwalka gaadiidka xamuulka iyo xiliga ay soo beegan yihiin si ay ugu qaataan xoolaha ay magaalooyinka u iib gaynayaan, halkii ay markii hore masaafo dheer sii lugaysiin jireen xoolaha oo miisaankuna ka sii dhici jiray.

Comments are closed