SAAM-QAYBSIGA WARSHADA SIBIDHKA : HABAL AWAL 50%, CARABKA 30% IYO HABARJECLO 20%.
Dalku wuxuu u baahanyahay maalgashi, dadkuna waxay u baahanyihiin shaqo abuur ka helaan kasab ay ku noolaadaan, waxaan rajo ka dhiganaya kolba meesha la yidhaahdo waa la maalgashanayaa oo rajo shaqaalayn ayaan filaa, rajadaasi hadana way burburtaa ka dib marka laba reer ay isku maandhaafaan ama laba shirkadood ama laba gobol, oo shaqadii dawladu lahayd maro-habaabiyaan ilayn maaha dawlade.
Waxaan aad ula yaabaa dawlada oo aan shaqadeedii cid aan ku haboonayn u dirata ama u-xil-saarta.
Waxaa maalmahan saxaafadda ku jiray khilaafka warshada sibidhka berbera ee salaadiinta subeer-awal go’aanka ka soo saareen oo ay ku taliyeen inay saamiga kor ku xusan lagu qaybsado, waxaa taa ganafka ku dhuftay oo qaadacay gudidii DAN IYO DUCO oo yidhi “ reer kaliyi ma wada qaadanayo khayraadkii dalka” waa runtood wayna ku saxan yihiin.
Qofka marka markhaati la gashanayo ama arin culus uu galayo waxaa la yidhaa “hebel isagoo miyirkiisii iyo maankiisiiba qaba ayuu sidaa sameeyey” ee waxaan filayaa odayaasha wax baa ku yara si ahaa xaga miyirka oo malaha QAADKA ayay aad u liqliqeen hadayna wax kale u raacin. Maxaa yeelay iyadoon waligay arin sidan u culus aan galin ayaan hadana garanayaa inay sidani aanay SAX ahayn.
TALO BIXIN:
Si xal kama danbays ah looga gaaro arinta warshada sibidhka waa in la raacaa tallaaban kaliya oo aan mid kale lahayd waa siday aniga ila tahay:
- Dawladu ha fuliso dhismaha warshada sibidhka, oo gacanta ha ku hayso maamaulkeeda iyo maaraynteedaba sidii dawladii horeba (Siyaad Barre) gacanta ugu haysay. Tan oo kaliyana maahee mashaariicda dib-u-dhiska dalka gacanta waa inay dawaladu ku qabataa, hadii kale cawaaqib-xumada ka dhalata waxay noqon doontaa mid aad u fool xun oo aan xal lahayn,
ABDILLAHI ADAM CAABI