|

Saaka oo dalka Jabuuti looga Dareerayo Doorasho Natiijadeeda la sii hayo Iyo Qaar ka mid ah Muwaadiniinta Jabuuti ee Gobolka Awdal oo loo Daad Gureeyay dhanka Jabuuti DAAWO.

Jabuti 08.April 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Saaka Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti looga dareerayaa doorashada Madaxtinimo ee dalkaasi kadib dhawr Cisho oo Olole Xoogani uu ka socday Guud ahaan dalka Jabuuti.

Doorashada waxaa ku tartamaya lix musharax, kuwaasi oo ku loolamaya inay ku guuleystaan kursiga madaxtooyada Djabuuti.

Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa ka mida Musharaxiinta ku tartamaya Doorashadaasi oo markii afraad u tartamaya jagada Kursiga madaxtooyada.

Ololaha_Doorashada_Jabuuti (2)Madaxwayne Geele ayaa sheegay inuu mar afraad u sharaxan yahay Kursiga ugu sareeya Dalkaasi kadib markii bulshadu sameeyeen isu soo baxyo balaadhan oo ay ku dalbanayaan inuu Mr.Geele markale isku sharaxo madaxwayne.

Musharaxiinta la tartamaya Mudane Geele ayaan sameynayay Olole badan oo ay ku muujinayaan rabitaankooda Madaxtinimada Jabuuti.

IMG_C81EED-280EC6-3BBC1C-B2952B-631BE6-9BD6DBDadka Siyaasada falanqeeya ayaa sheegaya in doorashada uu ku guuleysan karo  Mr Geele oo ah madaxwaynaha Imika, kuwaasi oo ku sababaynaya in dadka intooda badani raacsanyihiin islamarkaana uu Musharaxiinta xisbiyada kale qaarkood isagu Taageerayo si ay ula tartamaan.

Saxaafada madaxa banaan ayaa warar kasoo tabinayay Doorashada dalkaasi iyadoo maalmihii u dambeeyay ay ka socotay Ololaha doorashada.

IMG_F73206-6FBDAD-8656A9-7C5C97-D14BE3-574D31Musharaxiinta Mucaaridku may soo bandhigin dhaliilo ku aadan madaxwayne Geele kuwaasi oo ay bulshada ka codsanayaan inay iska dhaafaan Mudane Geele oo  iyaga lagu Doorto.

Suxufiyiin ka waramey ololaha doorashada Djabuuti ayaa dalkaasi laga Mustaafuriyey si aanay usoo gudbin Doorashada Madaxtooyada ee lagu Wado inay Maanta oo Jimce ah ka Qabsoonto.

2016328635947735027815340Grabbed Frame 10Madaxwaynaha Djabuuti ayaa waxaa looga codeynayaa gudaha Somaliland iyadoo Shalay  in ku dhaw laba kun oo qof laga qaaday Gobolka Awdal si ay uga soo codeeyaan Xuduudda Lawyacado ee ay wadagaan Somaliland iyo Djabuuti.

Madaxwayne Geele waxaa uu xafiisyo looga ololeeyo ka furtay Magaalooyinka Somaliland sida Awdal iyo Magaalada Hargeysa,Taas oo Xisbiyada Mucaaridka Jabuuti ay hore uga digeen.

Comments are closed