|

Saadaal Samaatay

Hadii aanay dabeel hurin

Awood ma leh naftayduye

Markaan uurka hooyadey

Ifka uuga soo baxay

Anigoon afac baran

Neecawdiisa uduga leh

Kii igu canqariyoow

Arligaygoow

Akhriste maqaal kooban waxaan uga dan leeyahay inaan timaano isbadalka ku yimid haayda wadaanyinka Somaliland isla markaana aan ku bogaadiyo wax qabadka ay ku talaabsatay mudooyinkan ugu dambeeyay idinkuna baraarujiyo inay haboon tahay inaan taageerno.

Sidaad akhriste ka warqabtaan dhawaan uun bay ahayd markii uu madaxweynaha jamhuuriyada somaliland Mundane Ahmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu haayadda wadooyinka uu hoos keenay wasaarada madaxtooyada, isla markaana uu dhagax dhigay wadada ceerigaabo, ayaa waxa bilaabmay dardar gelin ku timi haayada wadooyinka Somaliland iyo inay muujisay dadaal badan oo uu gadhwadeen ka yahay wasiirka wasaaradda madaxtooyada Mundane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo aan runtii odhan karno waa hawl kar madaale ah.

Haddaba akhriste waxaa xusid mudan in saadaashii ay bixiyeen bulshada qaybaheeda kala duwan ee lahayd mid taban iyo mid toganba markii uu madaxweynuhu haayada wadooyinka hoos keenay wasaarada madaxtooyada, inay hawshaasi hir gelayso iyo in kale, inay rumaydo oo ay ku talaabsatay haayadu waxyaabo badan oo maanta aynu indhaheena ku aragno ooy ka mid yihiin dhismaha wadooyinka dalka ka socda intooda badan ha ugu horayso dayactirka iyo dib u cusboonaysiinta wadada isku xidha Barbara iyo hargeisa oo ah halbowlaha dhaqaalaha wadanka haday tahay wax lala soo dago iyo mid la dhoofiyo, sidoo kale wadada wajaale iyo kala baydh isku xidha oo dhamaad ku dhaw oo ah in markii u horaysay laga dhigo laami iyo inay qalab cusub keento wadanka, taas oo ah runtii guul iyo dadaal ay wado haayada wadooyinka iyo wasaarada madaxtooyadu oo ah sidii wadankan curdinka ah loogu heli lahaa wadoooyin, ogowna akhriste hadii aynu bogaadino kuna dhiiri gelino inay dadaalka halkaa ka sii wadaan aynu gaadhi doono isku filnaasho dhan walba ah, wadankuna uu noqon doono mid ka baxa wado xumada taashatay ama ragaadisay.

Waxaana inala gudboon inaynu muruqa, maskaxda iyo maalkaba isugu geyno si aynu himiladeena u gaadhno waayo wadanku xaqbuu inagu leeyahay, cida uu sugayaana waa bulshada ku nool ee manaafacaadsanaysa. Waxaana iga xasuusa inay hawshani tahay Saadaal Samaatay.

“Udubkiyo dhigihiyo

Aloolka iyo raarkaba

Aqal kaan ka helayoow

Intaan dibada joogo

Ajashu ii timaadana

Kii lays ambinayee

Iilkey ku yiiloow

Arligaygoow

Inaan ku ogolaadoo

Adduunyada intaan jiro

Aayahaa ka taliyaan

Axdi kuugu marayaa”.

 

Qalinkii Liban Ismail Abdilahi

Liibaanhanad79@gmail.com

Comments are closed