R/wasaare Saacid oo Canbaareeyay Qaraxyadii ka dhacay dalka Turkiga, Tacsina diray
Muqdisho May 13 2013 (SDN)— Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa si kulul u canbaareeyay qarayadii gawaarida loo adeegsaday ee ay ku dhinteen 43-qof oo ka dhacay Magaalada Reyhanli ee gobolka Hatay ee dalka Turkiga.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxa uu tacsi ugu diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxaasi, isagoo alle uga baryay kuwii ku dhaawacmay in ay si dhaqsi ah ku soo bogsadaan.
Ra’iisul wasaaraha ayaa muujiyay midnimada iyo ka go’naashaha ay u hayaan dowladda Turkiga iyo dadka Reer Turki, waxaana uu ku baaqay in beesha caalamka ay si mideysan ulala dirirto Argagixisada caalamiga ah ee wax yeeleynayso shacbiga Soomaaliyeed.
Shalay ayaa labo qarax oo ka dhacay dalka Turkiga waxaa ku geeriyooday dad kabadan 40-ruux iyadoo tiro intaasi ka badan la dhigay Isbitaalada dalkaasi kuyaalla.
Dowladda Turkiga ayaa ku eedeeysay qaraxyadaasi in ay ku lugleeyihiin sirdoonka Syria, madaama ay taageerto mucaaradka wadankaasi.
SDN-Muqdisho