RW Xamza oo ku amaanay ciidada qaranka hawgalada gobolada dhexe ay ka wadaan
Muqdisho (QJ) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa bogaadiyay guulaha ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ka gaareen howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in geesiyaashii naftooda u huray difaaca dalkooda iyo dadkooda ay taariikhda ku waari doonto. Wuxuu ku nuux-nuux saday in aan marnaba loo dulqaadan doonin Khawaarijta (Al-Shabaab) meel kasta oo ay joogaan, maadaama ay u taagan yihiin qalloocinta diinta, daadinta dhiigga dad aan waxba galabsan, iyo burburinta hantida qaranka.
“Waxaan bogaadinayaa guulaha isdaba jooga ah ee ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ka gaareen howlgallada ciidan ee socda, kuwaas oo dhabar jab xooggan ku ah Khawaarijta, laga xoreeyay deegaanno badan oo ay qabsadeen, soona afjaray dhibaatadii ay ku hayeen shacabka Soomaaliyeed, oo hadda gacanta dowladda soo geliyay,” ayuu yiri Xamza.
Waxa uu carabka ku dhuftay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay inay meesha ka saarto Khawaarijta ka soo horjeeda Nabadda Soomaaliya, isla markaana la gaarsiiyo adeegyada muhiimka ah ee shacabka, maadaama ay ka go’an tahay horumarinta Qaranka iyo shacabka.