RW Xamse oo la kulmay isuduweyaal
Muqdisho Feb 26, 2023 (QJ) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa shir-gudoomiyay kulan ay isugu yimaadeen isku-duwayaasha mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, kaasi oo ujeedkiisu ahaa dar-dar gelinta qorshayaasha iyo barnaamijyada Dowladda ee sanadka 2023-ka, waxaana kulanka looga hadlay horumarka dalka.
Mashaariicda dowladda ee qaybaha kala duwan ee bulshada iyo horumarinta barnaamijyada bulshada, gaar ahaan xasilinta gobollada ay horay u maamulayeen maleeshiyada Al-Shabaab, iyo sidoo kale qorshaha dowladda ee ah in si buuxda loo hirgeliyo mashaariicdan sanadkan gudihiisa.
Ra’iisul Wasaare Hamse ayaa u mahadceliyey isku duwayaashii iyo mas’uuliyiintii ka shaqeyneysa mashaariicdan, waxa uuna ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in mashaariicdan lagu soo gaba gabeeyo waqtigooda.
Sidoo kale waxaa uu xusay in sanadka soo socda ay dowladdu qorsheyneyso in ay mashaariic badan fuliso, gaar ahaan goobihii ay markii hore gacanta ku hayeen kooxaha hubeysan ee haatan ku jira gacanta dowladda, si loo horumariyo nolosha bulshada ku dhaqan gobolladaasi.