|

RW Xamse oo kulamo ka dhan ah Axmed Madoobe ka wada Kiinya

Nairobi November 29, 2024(QJ) – Wararkii ugu dambeeyay ee socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre uu ku joogo dalka Kenya ayaa sheegaya in uu kulamo albaabada u xiran yihiin la qaatay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Kenya Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji iyo Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Kenya. (KDF).

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kulamadan looga hadlay xaalada cakiran ee ka jirta deegaanada Jubaland.

Xamza Barre ayaa madaxda Kenya kala hadlay arrimaha ka taagan Jubaland.

Kenya oo ka mid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya, isla markaana ay ciidamo nabad ilaalin ah ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan ku sugan gobollada Jubbooyinka ayaa ka walaacsan in khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubaland uu fursad u helo xoogagga Al-shabaab ee ku sugan Jubaland.

Xamza ayaa sidoo kale la kulmay odayaasha dhaqanka iyo ganacsatada caanka ah ee kasoo jeeda beesha Absame, isagoo ugu baaqay inay wax ka qabtaan qalalaasaha uu wado Axmed Madoobe oo dib loogu soo celiyo wadadii dowladnimo.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Axmed Madoobe looga yeeray Kenya si uu kulamo xasaasi ah u xaliyo Xamza Barre, mas’uuliyiin Kenyan ah iyo hogaamiye beeleedyo.

Comments are closed