|

RW Soomaaliya oo Boqolaal ka mid ah Dadweynaha Puntland kula Ciiday Garoowe (SAWIRRO)

Garowe,17july,2015(QJ/SDN)-Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid  ayaa maanta oo Jimco ah kula ciiday magaalada Garowe boqolaal kamid ah dadweynaha degmadaas oo maanta u dabaal-degayay munaasabadda Ciidul-Fidriga.

Ra’iisul-wasaare Cumar oo ay dhinacyada ka taagan-yihiin madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas  ,Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe  iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Nugaal ayaa salaaddii Ciidda ku tukaday garoonka kubadda cagta ee magaalada Garowe.

“Inaynu maanta halkaan isugu nimaanno waxaa sabab u ah nabadgelyada ka jirta Puntland, nabadgelyadu waa furaha Nabada, furaha horumarka, furaha wadajirka iyo dawladnimada intaba,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo la hadlay warbaahinta salaaddii ciidda ka dib.

Madaxweynaha Puntland ayaa u mahad-celiyay ra’iisul-wasaaraha Soomaliya iyo madaxda maamulka Jubbaland oo Garowe sanadkan ku ciiday ,waxaana uu sheegay in Puntland ay tahay dhul-Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, waxaa maanta iyagana si weyn looga ciiday magaalooyinka; Gaalkacyo, Boosaaso iyo Qardho, iyadoo kumanaan ka mid ah dadweynahaha Puntland ay isugu soo baxeen tukashada salaaddii Ciidda ee maanta.

“Walaal runtii maalin weyn ayey aniga iyo qoyskaygaba u tahay maadaama ay tahay maalin ciid ah oo aan muddo bil ah soo sugaynnay “ ayuu yiri Shirwac Yuusuf oo aaan qadka Taleefanka kula hadlay isaga oo jooga magaalada Gaalkacyo.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul-wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa si wada jir ah munaasabadda Ciidul-fidriga awgeed hambalyo u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah.

 

2015717635727148691951628unnamed (1)

2015717635727148846303328unnamed (2)

2015717635727149204239924unnamed (16)

2015717635727149858994667unnamed (11)

2015717635727150372008869unnamed (18)

2015717635727150461634857unnamed (20)

2015717635727150570897205unnamed

Comments are closed