|

RW ku-xigeenka oo ku baaqay in la taageero dadka daadadku qaadeen

Muqdisho November 05, 2023 (QJ) -Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer ku tagey xarunta dhexe ee Gurmadka Abaaraha ee heer Qaran, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Hay’addaasi.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa walaac xoogan ka muujiyay dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadaha, iyo dhibaatada ka dhalatay El Nino.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed la wadaagayaa saameynta ay ku yeesheen abaarihii iyo roobabkii lixaadka lahaa ee ku dhuftay gobollada dalka, iyadoo dhimashaduna ay gaareyso ilaa 10 qof” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal ugu jirto sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha jira, isla markaana loo heli lahaa sidii loogu gurman lahaa dadka ay musiibadu saameysay. Ugu dambeyn, wuxuu ku booriyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada inay garab istaagaan bulshada dhibaateysan ee ku nool gobollada ay dhibaatooyinkaas ka jiraan.

Comments are closed