|

RW. Cumar ayaa maanta ka qayb galay Jinaasada Marxuum Bari-Bari oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aden Cade

Muqdisho, 29, 2015 (SDN/QJ)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabidrashid Cali Sharmarke oo ay wehliyaan qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, xildhibaano, iyo masuuliyiin dowladda ah ayaa ka qayb galay Jinaaso maanta loogu sameeyey garoonka diyaaradaha Aden Cade Marxuum Yusuf Ismacil Bari Bari, oo daraad u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerarkii kooxda argagaxisadu ku qaadeen hoteel Maka-Al-Mukarama.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa ku sifeeyey Marxuumka inuu ahaa muwaadin u taagnaa ilaalinta sharafta iyo karaamada Soomaaliya, isla markaan ku faani jiray Soomaalinimada, ilaalina jiray xuquuqda dadka la takooro.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta dowalda Soomaaliya Cabdulqadir Sh. Cali Baqdaadi oo saxaafda kula hadlay garoonka jinaasada ka dib, ayaa sheegay inuu dhintay Marxuum Bari-Bari isagoo u shaqaynaaya shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeeyay qoyskii uu ka baxay iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed inuu Ilaahay samir iyo imaan ka siiyo geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Bari-Bari, Ilaahay SWT janadiisa ka waraabiyo.

Maydka Marxuumka ayaa waxaa sii raacay xubno dowladda ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Cadaaladda mudane Cabdullahi Axmed Ilka-Jiir, Xildhibaano, Xubno ka tirsan qoyskiisa, iyo dad ay qaraabo yihiin, waxaana lagu wadaa in galabta lagu aaso magaadalada Garoowe.

—DHAMAAD—

Comments are closed