|

Rw. Cabdiweli “Safarkii Kismaayo Wuxuu qayb ka ahaa qorshaha Xukuumadda ee Dib-u-heshiisiinta Dalka”

Muqdisho, April 19.2014(SDN/QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiweli sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaddib markii uu soo gabagabeeyey safar shaqo oo 8 cisho qaatay oo uu ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyey xubno ka tirsan golayaasha dowladda, waxgarad, aqoonyahanno, cuqaal iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ee gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha oo saxaafada kula hadlay Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay in ay ka gaareen socdaalkoodii Kismaayo guul la tabaan karo, oo gundhig u noqonaysa nabad ku wada noolaanshaha bulashada ku dhaqan Jubooyinka.

“ Socdaalkaygii Kismaayo wuxuu astaan u ahaaa ka miro dhalinta dib u heshiisiinta dalka, taas oo qayb ka ah Siyaasada Xukuumadda, waxaana ka soo gaarnay guulo lataaban karo, waxaana dadka Jubooyinka oo aan la kulanay ka muuqatay hilow ay u qabaan nabad kuwada noolaasho iyo inay garab istaagaan dowladooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli.

Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay safarkiisa Kismaayo 12-kii bishan, ayaa intii uu joogay magaalada kulamo joogto la yeelanayey maamulka Jubba, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, hoggaamiyayaasha diinta, Haweenka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Jubbooyinka, isagoo xoogga saarayey sidii ay dadku nabad ugu wada noolaan lahaayeen. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xiriir la samaynayey saraakiil iyo ciidamo ku sugna duleedka magaalada, si uu ugu qanciyo in ay magaalada ku soo noqdaan,

Sidoo kale si uu ugu kuurgalo xaaladda iyo nolosha dadka, ayaa Ra’iisul Wasaare Cabdiweli waxa uu kormeeray qeybo ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee magaalada Kismaayo, sida dhisme loo diyaarinayo Baarlamaanka iyo Wasiirada maamulka Jubba, Dekedda, Isbitaalka guud, Iskool H/dhexe ee Ganaane iyo dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, isaga oo dhanka kale xariga ka jaray Banka Dhexe ee uu yeelan doono maamulka Jubb. Ra’iisul Wasaaraha oo qiray horumarka balaaran ee la sameeyey, ayaa ugu baaqay beesha caalamka hay’adaha dowladda dhexe iyo dadka reer Jubba in la taageero nabadda, horumarka iyo dadaalka ka socda Jubba.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheikh Axmed ayaa safarkiisa shaqo ee magaalada Kismaayo ku soo gabagabeeyey munaasabad ay ka soo qab-galeen madax dhaqameedyada gobolada Jubbooyinka, waxgarad, haweenka culumada, ayna goob joog ka ahaayeen hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam, xubno ka tirsan golaha Wasiirada dawladda Federaalka, xildhibaano, safiiro matalayay Itoobiya iyo IGAD, wakiil ka socday xafiiska UNSOM, isagoona kula dar dardaarmay dadka Jubooyinka in ay is cafiyaan, colaada daashatay goboladaasna lagu badalo nabad iyo wada noolaansho.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed