|

Ruushka oo Mamnuucay Cuntooyinka dalkiisa uga Yimaada Yurub iyo Maraykanka

Moscow 10.Aug 2014 (SDN/QJ)- Dawladda Ruushka, ayaa shaaca ka qaadday inay mabnuucday cuntooyinka looga soo dhoofiyo dalalka Midowga Yurub iyo Maraykanka, waxayna uga aargudanaysa cunaqateynnada dalalkani ay saareen dalka Ruushka ee xiisadda Ukraine.

1B5F7150-28B0-4DBB-9F9B-E23D70B6776F_w268_r1Ra’iisul-wasaaraha Ruushka, Dmitry Medvedev ayaa go’aankan maanta Mosco uga dhawaaqday, waxaana cuntooyinka la mamnuucay ku jira, hilibka, khudaarka iyo caanaha.

Sidoo kale cuntooyinka laga keeno Canada, Australia iyo Norway ayaa iyaguna ku jira kuwa Ruushka ay mamnuuceen. Madaxweyne Putin saxiixay wareegto lagu mamnuucayo cuntooyinka laga soo dhoofiyo Yurub iyo Maraykanka muddo sannad ah.

Sida aannu ka soo xigannay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da, waxa uu intaas ku daray in Dadka wax falanqeeya ay sheegayaan in talaabadan ay halis galinayso macaamiisha Ruushka ee iyagu sida weyn ugu xidhan cuntooyuinka dibedda laga soo dhoofiyo.

Ra’iisal-wasaare Medvedev wuxuu sidoo kale sheegay in Mosco ay ka fikirayso inay mamnuucdo diyaaraddaha reer galbeedka ee dulmara hawada Ruushka duulimaadyada ay ku tagaan ama uga yimaadaan dalalka Asia.

Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa cunaqeytno xiriir ah ku soo rogay Ruushka, kaddib markii uu goostay gobolka Crimea ee bariga Ukraine iyo taageerada uu Ruushku siiyo mucaaradka gooni-u-goosadka bariga Ukraine.

Moscow SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed