|

Ruushka oo il gaadha ku eegaya baaqa Jaamacada Carabta ee ku wejahan Syria

Moscow Feb 14,2012(qurbejoog.com)-Ruushka  ayaa sheegay inay  dersayaan   hindisaha  ay  soo jeediyeen  jaamacadda carabtu,  kaasi oo dhigaya in  ciidamo isku  dhaf ah  oo nabad ilaalin ah   qaramada  midawday  u dirto  waddanka  Suuriya.

Wasiirka  arrimaha  dibadda ee Ruushka  Sergei Lavrove,  ayaa  sheegay  marka hore  in loo baahan yaahay  xabad  joojin   la sameeyo,  ka hor  in  aan  wax howl nabad  ilaalin ah lagu  dhaqaaqin.

Axadii ayuu  ururka  jaamacadda carabtu  uu ku  baaqay  golaha amaanku  inuu soo saaro  qaraar  cusub  oo salka  ku haya xabad  joojin  deg deg ah  oo laga  hirgaliyo  waddanka  Suuriya, isla markaana dalkaasi        la dhigo  ciidamo  nabad ilaalin ah.

Geesta kale,  xukuumadda  Suuriya  ayaa ku tilmaamtay  qaraarkaasi  ka soo baxay  jaamacadda  carabta  inuu  yahay  faro-galin  cad   oo ka dhan ah  madaxbanaanideeda qaranimo.

Dhinaca kale,  kooxaha  u dooda  xuquuqda  dadka  ayaa  sheegay  ciidamada  xukuumadda  Suuriya   inay  sii wadaan  duqeyntii  cuslayd ee ay  ku  hayaan  magaalada  Xumis.

Qurbejoog-Moscow

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed