Ruushka iyo Mareykanka oo isku raacay Qorshe Hubka Chemical-ka looga qaadayo iyo Syria oo aamusnaan ku soo dhaweysay
Geneva Sept 2013(SDN)-Kulamo dhawr maalmood qaatay oo u dhexeeyay dalalka Mareykanka iyo Ruushka oo Geneva ka dhacay ayaa la iskula qaatay sidii beesha caalamku hubka sunta ah uga guri laheyd dalka Syria oo dagaal sokeeye ka socdo.
Wasiirka arrimaha dibeda ee Ruushka Sergei Lavrov iyo Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry ayaa isla qaatay in bartamaha sanadka ina soo haya laga qaado gebi hubka sunta.
lbada dal waxa ay isla qaateen in Syria ay mudo todobaad ah ku sheegto cadadka hubka subta ah ee ay heysato iyo halka ay dalka ka yaalaan.
Sidoo kale qorshaha la isla qaatay waxa uu farayaa xukuuumada Syria in ay sahasho wax walba oo loo baahdo si hubkaasi dalka looga saaro.
Bisha soo socotana waxa Syria tagi doona khubaro ka hawlgeli doonta burburinta qalabka lagu sameeyo sunta iyo hubka laga rido.
Mareykanka ayaa sheegay in weli uu eegayo in xukuumada Syria ay fuliso qorshahan,hadii taa la waayan ay suurtogal tahay in ay duqeeyaan Syria.
Dawlada Syria ayaan ilaa hada aan ka hadan qorshahan ay isla qaateen dalalka Ruushka iyo Mareykanka ee hubka looga dhigayo.
SDN-Geneva
contact@somalidiasporanews.com