|

Ruushka iyo Jaamacadda Carabta oo sheegay in ay dhex dhaxaadinayaa Mucaaradka iyo dowladda Syria

Moscow Feb 21 2013 (SDN)– Dowladda Raashka iyo Ururka Jaamacada Carabta ayaa sheegay in ay doonayaan wada hadalo toos ah oo dhaxeeya dowladda Syria iyo Mucaaradka si loo dhameeyo Rabshadaha ka soconaya dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in Rabashadaha ka soconaya dalka Syria aysan hada la heyn fursadkale oo ay ku sii socdaan loona baahanyahay in la dhameeyo.

Isagoo ka hadlayay Magaalada Mosco Sergei Lavrov ayaa waxa uu cod dheer ku sheegay in Aqalka Kirimilinka ee looga arrimiyo dalka Ruushka uusan dooneyn in dagaalada Syria ay siisocdaan sidaasi darteedna Xukuumadda Moscow iyo Jaamacadda Carabta ay bilaabidoonaan dhex dhaxaadin toos ah oo loo sameeyo dowladda iyo mucaaradka Syria.

Talabaadan ayaa imaaneysa waqti ay doonayaan Golaha Qaranka Syrisa in ay kulan labo maalin soconaya ku yeeshaan dalka Masar kaasi oo ay uga hadli rabaan helida xal suuragal ah oo lagu dhameeyo dhibaatada dalkooda ka taagan.

Ku dhawaad 70-kun oo qof ayaa ku geeriyooday tan iyo inta ay socdeen kacdoonada ka dhanka ah Madaxweynaha dalka Syria Bishaar Al Assad kuwaasi oo bilaawday Bishii March ee sanadkii 2011 sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

SDN-Moscow

Comments are closed