RUNTOO LA SHEEGOO LAGU DHAQMAA WAY FIICAN TAHAY DHALIIL KASTOO LAGUU SHEEGANA HA U QAADAN CADAAWAD
RUNTOO LA SHEEGOO LAGU DHAQMAA WAY FIICAN TAHAY
DHALIIL KASTOO LAGUU SHEEGANA HA U QAADAN CADAAWAD
ILAAHAY BAA MAHAD LEH
Dhamaantiin ugu horayn waad salaaman tihiin akhyaartiina wararka sida tooska iskula socodsiinaysa ummada gudaha iyo dibada.
Intaa ka dib waxaan salaamayaa akhristayaasha waqtigoodii qaaliga ahaa siiyey in ay ku akhriyaan maqaalkan.
Soomaalidu waxay tiraahdaa
HADAL CAD OO RUN KU DHEEHAN TAHAY IYO HILLIB MINDIYO WATA
MIDNA LAGUMA MARGADO
Hadalka cadi waa qurux. Runtoo la sheegaana ummaday xasalisaa .haddaan ay runi jirin.
Aaminimo ma jirayso hadaanay aaminimo jirina kalsoonidii farah ayey ka baxday kalsoonidu markay faraha ka baxdana waxaad filataa waa been iyo musuq maasaq iyo dulmi xun oo dhan.
WAXAA AYNU DOONAYNAA IN AAN KA GUURNO BEEN IYO JAHLI BAL AYNU EEGNO BEENTU SIDAY U BURBURISO DAWALADAHA IYO DADKA
Nabigeenii maxamed s.a.w. markii la way diiyey yaa rasuulilaah ummaddu been ma sheegtaa waxaa uu yidhi mayaa. Arintu ma sahlana qof kastaabana waa inuu xadiiskaa isku miisaamaaa.
Soomaalidu maxay ka tiri beenta
1 been maalmo ayaa lagu dhargaa lagumase rakaato
2 beeni raad ma laha
3 beentaada hore runtaada danbay u xun tahay
Waxaa aa intaa aynu wararka ka daawanaa oo u badan dawlado muslin ah oo madaxdoodii lagu kacay qaar la dilay qaarna ay baxsadeen qaarna xidhan yihiin.
Waxaas oo dhan waxay iskugu soo biyo shubanayaan dawlad shacbigeedii been kula shaqaysay.
Bal tusaale aynu ka soo yar qaadano dawladii la odhan jiray soomaaliya iyo waxyaalihii burburiyey wax ka mid ah .waxaa aan ka bilaabaynaa bal dawladaasi inta mabda ay haysata iyo inta magac ee bug ah ay ku shaqaynaysay iyadoo waxaas oo dhani been yihiin si ay ug soo dawarsadaan adduunka.
Ugu horayn waxaa layna dhihi jiray jamhuuriyada dimiquraadiga soomaaliya waxaan ahayna hantiwadaag reer galbeedkana waxaa la tusayey shaadh hantiwadaagana shaadh.
Labadaa quwadood ee waaweyni way arkayeen in ay nimankani beentoodu iyaguun dumin doonto waxaa ay u soo buuxiyeen hub iyo miinooyin iyo waxoogaa lacaga oo sumaysnayd oo lays ku laayey .waxaa aynu kaloo haysanay mabda aan lagu dhaqmin laakiin isna carabta lagaga soo qaadan jiray lacag iyo patrol oo la odhan jiray carabay nama taqaanaan waxaa aanu nahay dawlada kaliya ee muslin ah ee wada sunni ah.
Carabtuna waxaa soosiin jirtay adduun badan waxaa kaloo ay dawladaasi ku shaqaynaysay mabda qabyaaladeed rrer gaar ah in xukunka iyo hantida iyo khayraadka dalkaba ka taliyo siduu doonana ka yeelo isku soo wada xoori dawladaasi waxay ku shaqaynaysay 4 mabda iyadaana horta beenteedii markiiba is fadeexadaysay ka dibna markii lagu dhawaaqay waatan dadkeedii hubka ku furtay iyagiina ay six un adduunka dacaladiisa iyo gudihiisaba ugu dhinteen iyagoo lagu wada qoray kuwii dulmiga geysta buuga taariikhda xun.
Sheekadan waxaa u keenay marka ummad madaxdeedu been dadkooda u sheegaan iyo caalamka waxaa ay ku danbeeyaan bur bur ummadaasina horumar ma gaadho.
Gaaladii baa ka sii fogaanaysa beenta ogaadeena beentu in ay tahay wax xun nini madax ah oo been sheegana markiiba waa laga takhulusaa.
Inagana xageena madaxdeenu iyagoo been sheegaya maalin walba qaarkood ayey hadana bulshadii ka dhex yihiin ku la ixtiraamo .sidaynu doonaynaa markaa in aan jahligan xun ooga baxno runta iyo faraxu ma gasho qalbi ay ka buuxaan shahawaad been ah iyo riyooyin khayaali ah 4taasi meel iskuguma yimaadaan.
MAXAA AYNU SHEEKADAN KA FAAIIDAYSAN KARNAA
In aynu ka leexano wadaday mareen hunguri wax ka weyn lagaliyaa waa uu dilaaca.
In aynu ogaan yeynu nahay mabdaeenu waa kee keebaa laynoogu soo hagaagayaa.
Waa in waxaynu cadaadaan
In aan ka dheeraano guulaha aad ku gaadhay been maalmo ah ka dib ayaamana ay ka danbayn fadeexad ku dhaxalsiisa murugo iyo magac xumo waligaa kula socon doonta.
Beentu waxay qofka ku keentaa in uu noqdo qof shaki badan shakiguna waa cadaab.
HURUMARKA WAXAA LAGU GAADHO DIINTEENA SUUBAN BAY KA BUUXDAA
Waxaa ka mid ah runtoo la sheego runtu waxay farax iyo firfircooni galisaa nafta .waxay keentaa karti runtu noloshay qiimo u yeeshaa run tu kalsoonida dadka ayey qayb weyn ka qaadataa aamininimana dadka ayey ku abuurtaa iyo is jecayl dhexdooda ah oo ay keentao runtu dadka run sheega ah mar walba cadowgoodu waa yar yahay dadka runsheega ah waxay leeyihiin saaxiibo fiican oo fara badan marka qofku noqdo midrun badan cibaadadiisaa fiicnaata markaasba dhaqankiisa kaloo dhan hagaagaa hurdadiisa xataa fiicnaata waayo waa runlow ilaahayna waa jecel yahay kuwa runta sheega.
Hadaynu doonayno horumar intaa aan sheegay ee runtu keento umada laga helo waa umadaha horumarka adduunka ka gaadhay.
Waxaa iga yaabiyey muslinku waxa aad arkaysaa inagoo umarkhaati furayna gaalada oo leh been ma sheegaan waa wax fiican in aad qof run ku amaanto laakiin adiga maxaa kuu diiday waa xigmad kaa luntay qaado oo ku dhaqan oo adiga ha lagaa sheekeeyo.
Waxaa aan leeyahay bal ku fakir guulaha aad ku gaadahay runta faraxooda ah waligood.
Ee aad ooga tagayso umadaada mustaqbalka dheer faraxaasi waa mid waligaa kula soconaya hadaad dhimatana aan la ilaabaynin mar walba waa lagu soo hadal qaadi taariikhda carabka lagu tabiyaa waligaa lagaag sheekayn.
QISO KA DHACDAY OTTAWA
Waxaa dhacday nin soomaali ah baa waxay is laayeen nin cad markaas baa ninkii soomaaliga ahaa ninkii cadaa mindi ku dhuftay .waa la xidhay markaa soomaaligii.
Tolkii baa u yimid waxay ku yidhaahdeen dafir waxaa tiraahdaa anigu kuma dhufan.
Tolku marar badan bay naar kugu ridayaan balse eeg ninkani runlowga ah sida alle ugu gagaaray waxaa uu yidhi odhan mayo runtaan sheegayaa anigu muslin baan ahay been sheegi mayo ninkani waa isoo doontay waan iska celiyey mindidana anigaa ku dhuftay.
Baan odhanayaa tolkii waxay ku yidhaahdeen waad waalan yahay isna waxaa uu yidhi ma waalni ee nabad gelyaha keena waalba cakaaruu iman.
Maalintii danbe ayaa maxkamadii la keenay xaakimiintu waa yuhuud iyo kiristaan cadaan dhamaantood ninkii soomaaligaa ahaa baa layidhi dacwadan lugugu soo eedeeyey maxaad ka odhanaysaa .waxaa uu yidhi ninkan waan islaynay markaa mindi baan ku dhuftay .xaakinkii baa ku yidhi danbigan waad qiratay waxaa uu yidhi haa.
Maxaa kugu kalifay in aad sidan cad u qirato buu weydiiyey waxaa uu ugu jawaabay been ma sheegno hadaanu nahay muslim xaakimiintii waxay ku noqotay arin cajiib ah.
Ninkan hadalkiisanquruxda badan ee uu ka run sheegayo mabda uu xambaarsan yahay.
Waxaa la yidhi waxaad tahay free iminka laga bilaabo waxaa loo sameeyey cudur daar.
Dalkan maxkamadahooda haddii aad run danbiga ku qirato waa lagu fududaynayaa danbigii hadaanuu sidaa khatar u ahayn runtaa aad sheegtay awgeed baa lagugu sii daynayaa waxay doonayaan in ay bulshada ku dhex beeraan runta waayo faaiidada run sheegida ayey fahmeen.
Ingana alle hanga dhigo kuwii wanaaga is fara xumahana iska reeba
Runtana noloshooda ku dhaqa
Waxaa khalada ee aan galayna isoo saxa hadaad maqaalka ka argtaan ala ha idin saxee
Sidaa iyo nabad gelyo haddii alleyidhaa