” Runtii Aadbaan Uga Xumahay In Lana Yidhaa Gobolkii Gabiley Galimaysaan Sidii Aanu Nahay Dad Ajaanib Ah, Anagu Waxaanu U Soconey Sidii Aanu Ula Kulmi Lahayn Xildhibaanadayadii Iyo Tageerayaashayadii.” Jamaal Cali Xuseen
Hargaysa 04.Dec 2013 (SDN)- Jamaal Cali Xuseen iyo Weft Ucid aha oo saaka u jarmaaday Gobolka Gabiley ayey Boolisku ka hor joogsadeen Waxayna u xanibeen barta kaantarooka Caabudla ee laga galo Gabiley.
” Runtii Aadbaan Uga Xumahay In Lana Yidhaa Gobolkii Gabiley Galimaysaan Sidii Aanu Nahay Dad Ajaanib Ah, Anagu Waxaanu U Soconey Sidii Aanu Ula Kulmi Lahayn Xildhibaanadayadii Iyo Tageerayaashayadii.”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlayay qadiyada lagaga hor istaagay Magaalada Gebilay.
Faadumo Siciid Xoghayaha Maalida Xisbiga Ucid ayaa u sheegtay inay ku xaniban yihiin Caabudla, Waxaanay sheegtay inay Boolisku u diideen iyadoo Talaabadani ku eedaysay Marwada Koowaad ee madaxweynaha Somaliland oo ay sheegtay Tv-ga inay ka tidhi Gabiley ma tagi karaan .
Marwo Faadumo Siciid waxay sheegtay inayna ka soo noqonaynin ilaa ay gabiley tagaan ama xukuumadu cadaynayso sababta loogu diidan yahay, Safarka Madaxda ucid ayaa ku soo beegmaha Maalmo ka dib Safarkii Madaxweynaha.
Si kastaba ha ahaatee Waa Markiii 1aad ee Musharaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid loo diido inuu Socdaal ku Tago Magaalada Gebilay iyadoo aanay Jirin sabab loo daliishan karo diidmada Xukuumada.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com