Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Shaacisay Inaanay Aqbali Doonin Shirkadda Baadhista Tayada Gaadiidka Oo Xukuumaddu si Sharcidarro ah u Aasaastay
Hargeysa:April,07,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri, ayaa ka Hadlay Cashuurta dheeriga ah ee dhawaan shirkad xukuumaddu samaysay ay ka Bilowday Dekedda Magaalada Berbera, waxana uu tilmaamay inaanay Rug ahaan arrintaas waxba kala soconin.
Guddoomiye Maxamed Shugri oo warbaahinta kula Hadlay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu hoosta ka xarriiqay inaanay aqbali doonin aqbali doonin lacag sharci daro ah oo lagu soo rogo Badeecadaha lagala soo dego dekedda.
Waxa uu sheegay inaan wax cabasho ahi ka soo gaadhin lacagta lagu soo rogay hubinta Gaadiidka, balse wuxuu xusay “ annagu marna ma ogolaan doono in cashuur sharci daro ah lagu qaado Dekeddaha, waanan ka doodaynaa “ ayuu yidhi Guddoomiye Maxamed Shugir.
Dhawaaqa Rugta Ganacsiga kasoo yeedhay, ayaa muujinaya sida xukuumaddu sharciga dalka ubaalmarsan tahay, isla-markaana aanay diyaarka ugu ahayn inay ku dhaqanka Shuruucda waddanka u yaalla.
Mudanayaala katirsan Aqalka Baarlamaanka, ayaa ku baaqay in wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif uu si degdeg ah Golaha u horyimaaddo, si wax looga weydiiyo shirkaddan sharciga baalmarsan ee haddana lacagaha ka qaadaysa ganacsatada Gaadiidka soo dejisa.
Wararka ku dhawdhaw shirkaddan, ayaa sheegaya inay leeyihiin dad si gaar ah madaxtooyada ugu dhaw oo la doonayo inay ka faa’iidaystaan dariiqyo aan xalaal ahayn oo xukuumaddu ku taajirinayso dad gaar ah.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com