|

Rugta Ganacsiga ee dunida ugu weyn uguna casrisan oo Dubai laga dhisayo

Dubai July 06,2014(SDN/QJ)-Dubai ayaa laga wadaa dhismaha rugta ganacsiga dunida ugu weyn oo ku fadhiyi doonta dhul baaxadiisu dhan tahay 8 million oo square.

Dhismahan rugta ganacsiga dunida ee Dubai ayaa ah qorshe la doonayo in dar dar geliyo dhaqaalaha dakaas oo hoos u dhac balaarani uu soo wejahay.

Dhaqaale xumada ayaa ka soo bilaabatay ka dib kolkii suuqii ganacsiga dhulka ee dalkaasi uu burburay sanadii 2008 dii.

Kala bar dhulkan cusub ee laga dhisayo Rugtan ganacsi ayaa loo qoondeeyay arimaha caafimaadka halka rugta inteeda kale ay noqon doonto goobo laga dukaameyso oo casri ah.

Rugta ganacsiga dunida ayaa laga dhisayaa ka soo horjeedka Rugta Emirates oo haatan ka mid ah goobaha ganacsi ee dunida ugu waaweyn.

Balse marka la dhameystiro rugta ganacsiga dunida ayaa waxa ay noqon doontaa goobta ugu weyn ee dunida laga dukaameysto.

SDN/QJ-Dubai

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed