Roobab Habeennadii ugu dambeeyey ka da’yey Hargeysa oo waxyeello u geystay Jidadka waaweyn ee Magaalada
Hargeysa:3-Sep-2013(SDN)-Roobab lexaad leh oo labadii Habeen ee ugu dambeeyey ka da’ayey Magaalada Hargeysa iyo Hareeraheeda ayaa waxyeello kala duwan u geystay jidadka waaweyn ee caasimadda.
Waddooyinka Caasimadda Hargeysa, ayaa Guud ahaanba ah kuwo gaboobay oo dayac badani hadheeyey, iyadoo ay jiraan qaar cusub balse tayadoodu liidato, haddana waxa marka kasta dhibaato badani haysataa dadka iyo gaadiidka caasimadda jidadkeeda adeegsada.
Roobabkan da’ay oo ahaa kuwo aad u xoog badan, islamarkaana walkhti dheer da’yey, ayaa jidadka muhiimka ah ee magaalada googo’ badan u geystay, iyagoo meelo badan oo halbawle ahna keenay dhagaxaan waaweyn oo dhib ku haya dadka iyo gaadiidkaba.
Waddooyinka caasimadda ayaan guud ahaanba lahayn biyo nidaama biyo shubeed oo ay roobka iskud dhaafiyaan, waxana roob kasta oo da’aa u geystaa khasaare badan oo isdaba joog a.
Roobabkan xalay da’ay ayaa jidad badan godad iyo boholo u beddelay, waxana haatan taagan dhibaato jid-xumo oo si gaar ah u haysata Gaadiidka caasimadda jooga oo maalinba maalinta ka dambaysa sii badanaya.
Meelaha haddaba roobabkani habeenadan da’ayey ah dhibka u geysteen, ayaa waxa ka mid ah dhamaanba jidadka mara suuqa hoose oo dooxyo badani ku soo jabeen, kuwaas oo haatan meelo badan oo laamigii ah gooyey meelo kalena dhigay ciida badan iyo dhagaxaan waaweyn.
Dawladda hoose ee Hargeysa oo ka kooban Gole deegaan oo markii ay ololaha doorashada ku jireen wax badan oo wax tar ah sheegan jirey, ayaa haatan umuuqda qaar iyagu isku mashquulay oo aan diyaar u ahayn inay wax ka qabtaan dhibka ugu weyn ee caasimadda ka taagan oo ah waddo xumo.
Haatan waxa la gelayaa xilli-raabaadkii, waxana waxana dowladda hoose ee Hargeysa looga fadhiyaa inay wax ka qabata dhibaatooyinka daadku ku hayaan waddooyinka waaweyn ee Hargeysa oo maalinba maalinta ka dambaysa sii googo’aya.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com