|

Robert Mugabe oo Markii 7aad ku Guulaystay Hogaaminta dalka Zimbabwe & Mr Tsvangirai oo Qaadacay

Zimbabwe  03.Aug (SDN) Guddiga doorashada dalka Zimbabwe ayaa ku dhawaaqay in madaxwayne Robert Mugabe uu ku guulaystay xafiiska markii todobaad.

Mr Mugabe oo sideetan iyo sagaal jir ah ayaa helay lixdan iyo kow boqolkiiba codadkii la dhiibtay, Madaxa guddiga doorashada ZImbabwe, Rita Makarau, ayaa ku dhawaaqday natiijada:

Morgan Tsvangirai (Jangaraay), oo la tartamaya ayaa helay ku dhowaad sodon iyo afar.

Xisbiga Mr Mugabe ee ZANU-PF, ayaa ku guulaystay in ka badan sadex meelood laba meel aqlabiyad ah oo dhinaca baarlamaanka, taas oo ku filan in dastuurka uu xisbigu badalo.

Mr Tsvangirai ayaa sheegay in uu tagayo maxkamad si uu uga doodo natiijada oo uu sheegay in uu si buuxda u diidan yahay.

Wuxuu sheegay in uu soo saari doono warbixin cadaymo wadata oo uu ku sharaxayo isdabamarin doorashada in lagu dhaqaaqay uuna ugu baaqay in ururka dalalka Africada koonfureed ee SADC in uu baaro.

Geesta kale Mid ka mid ah kormeerayaasha sare ee doorashada ah, Bernard Membe, ayaa saxaafadda u sheegay in SADC ay u aragto doorashada mid u dhacday si xor ah balse aan cadaalad ahayn. Waxaa uu sheegay in aysan goor hore ugu dhawaaqin arrintan maadaama ay deg deg ahayd.

Madaxa kooxda Midowga Africa, Olusegun Obasanjo, ayaa ku tilmaamay doorashada mid ku dhacday si xor ah, cadaalad ah macquulna ah.

Hase yeeshee, warka ka soo baxay AU ayaa sidoo kale walwal ka muujiyay daabacaadda in ka badan laba million oo waraaqaha codbixinta oo dheeraad ah, dib u celinta codbixayayaasha soo xaadiray goobaha codbixinta qaar iyo dhibaatooyin kale.

Natiijada hordhaca ah ayaa muujinaysa in uu si xoog leh u hogaaminaya xisbiga madawaynaha ZANU-PF, balse Mr Tsvangirai ayaa ku tilmaamay codbixinta mid lagu maadaysto.

Zimbabwe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed