RIYADII XALAY Iyo “Madaxwayne Ahmed Ismaciil Samater” W/Q: Mohamed Ahmedd !
Dalka waxa madaxwayne ka ahaa Ahmed Ismaaciil Samatar oo aanan anigu sixi karin xisbi lagaso doortay , madaxwaynaha oo an u ahaa xoghayn ayaa wuxu shaqadiisi koobad ka dhigay dhisida madaxtooyo cusub oo qaranku yeesho wuxu madaxwayne Ahmed Ismaaciil u yeedhay wasiirka Arimaha Gudaha oo ahaa Xirsi Cali Xaaji Xasan waxanu amar ku siiyay inuu baneeyo halka loo yaqaan STATE HOUSE ka , waxana isla subaxdii xigtay ciidamo xooga iyo cagafyo doora oo uu watay wasiir Xirsi cagta mariyeen guud ahaanba dhulkan hada lo yaqan State House iyado sido
kale lagu daray ilaa guryo doora oo lay sheegay in dowladii hore lahayd balse hada dad iska qabsaday una badan dad madax soo aha iyo qaar hada sheegta ! isla habenka waxa madaxwayne Ahmed Ismaaciil casho balaadhan la qaatay tijaarta wadanka oo uu ka codsaday inay kaso qayb qaataan dhismaha xarunta cusub ee madaxtooyada u ahaan doonta qaranka , nashqada Madaxtooyada cusub oo aan daawaday waxan ku arkay in afarta koone ee madaxtooyada laga dhisay dhismayaal xarun u ahaan doona ciidanka ilaalada madaxtooyada oo gees walba waxa lo dhisay inay dagaan 80 askari taaso marka an isku daro ilaalada madaxtooyada ka dhigaysay 320 askari , dhismayaashu waxay isugu jireen qaybo loo qorsheeyay inay ahaadan goobo shirarka lagu qabto iyo sido kale xafiisyo loo kala dhisay laamaha Sirdoonka , maaliyada , Agaasimka iyo taliska ciidanka madaxtooyada inta waxa dheera aqal balaadhan oo loo dhisay qaybo jiif , qaybo xafiis iyo sido kale qaybo nasasho oo isagu u dhignaa madaxtooyada qaranka .
Ka dibna nashqada aan daawaday waxanu subixii xigtay u baxnay dalka Ethiopia oo uu Raysal-wasaaraha dalkaasi warqad marti qaada uso diray Madaxwayne Ahmed Ismaciil waxana Airport ka Hargeisa nagusii sagootiyay cutub ka tirsan ciidanka qaranka , waxanu u anba baxnay addis ababa waxase safarka nagu wehelinayay sedexda taliye ciidan , Malatariga , Booliska , Sirdoonka wax madax ah oo kale safarka qayb kamay ahayn , waxana Airport-ka magaalada Addis-ababa naguso dhaweeyay Raysal-wasaaraha dalka Ethiopia oo isagu marki koobad sida lay sheegay airport ka ku sugay madax Somaliland ka socota , waxanu salaam ka dib noo galbiyay qasriga uu ka degan yahay magaalada Addis-ababa oo aad u jaranjaro dheeraa , waxanan halka waftigu ku galeen shir qaatay 5 saacadood oo xidhiidha , aakhirki shirkii waxa lagu saaray gudi laba dhinac ah oo howlo doora islasii eegta ! ka dibna waxa naloosii baqool siiyay dhanka hotel balaadhan oo aanu ka dagaynay magaalada , sido kale waxa safarka qayb ka ahayd oo dowlada Ethiopia kasii shaqaysay in madaxwayne Axmed Ismaaciil khudbad balaadhan ka jeediyo xarunta midowga Afrika oo marka ay ku sugnaayeen oo qudha madaxda midowga Afrika iyo dublamaasiyiinta Afrikanka ah ee ka howl gala xarunta midowga Afrika. Waxanu madaxwaynuhu halka ka akhriyay qudbad socotay 45 mirir una badnayd garnaqsi iyo wargalin , dhamaadki safarka waxanu galabnimadii xigtay uso baqoolnay dhanka caasimada waxana safarkan soo laabashada nagu wehelinayay oo qudha madaxa sirdoonka qaranka , waxanan kaso dagnay akhirkii airport ka Hargeisa oo ay soo buux dhaafiyen madaxdii qaranka mucaarad iyo muxaafadba , madaxwayne Ahmed Ismaaciil wuxu halka mudo saacad ah ku salaan qaadayay dadka ka hor yimi oo an la xisaabi karin , akhirkiina wuxu saxaafada kula hadlay gudaha garoonka , war bixin dheer ka dib wuxu madaxwayne Ahmed ka jawaabay suaalo doora oo ay waydiiyeen balse mar aan is idhi jooji suaalaha madama ay in doora waydiiyen wuxu madaxwaynuhu indhaha iga sheegay in anan joojin balse ay iska daali doonaan .
Inta ka dib kumaanan soo noqon madaxtooyadii hore balse waxa lay sheegay in loo aqoonsaday guri martiyeed heer qarana , sido kale lagama soo rarin ciidankii ilaalada ahaa balse madaxtooyada cusub ee aanu kuso noqonay waxay lahayd ciidan laftiisu cusub oo lay sheegay in ay tobabar kaso baxeen hada lagana keenay koorso ay kuso qaateen dalka maraykanka , isla subaxdii xigtay waxa madaxwaynuhu shir qaasa mudo dheer kula jiray wasiirka arimaha dibada oo isagu hogaaminayay wafti maalinta bari ah u baxayay magaalada Djabouti , kulanka ka dib waxa waftiga wasiirada ah ee doorkii u amba baxeen dalka Jabouti waxanay halka mudo laba cisha shirar is daba jooga kula lahaayeen madaxda wadanka , arinku sidii hore wuu ka gadisana waxana Madaxwayne Ahmed Ismaaciil waftiga u diray arin cajiib ahayd oo ah in dowlada Djabouti faraha kala baxdo arimaha Somalida ama ay dhex ka ahaato xidhiidhka mustaqbal ee muqdisho iyo Hargeisa , waftigaasi wax guula lamaysoo noqon waxanay dalka kuso noqdeen iyagoon wax natiija ka sidin dowlada Djabouti , isla galabtay soo dageena waxay toos ugu yimaadeen madaxwayne Ahmed Ismaaciil , waxana shir mudo saacada socday ka dib madaxwaynuhu amar ku bixiyay in dowlada Djabouti xidhiidhka loo jaro sido kalena aanay haba yaraate jirin wax tacaluqa oo dhulka , badda , cirka ah oo dhex mari kara labada dowladood , wasiirka arimaha dibada oo damcay inu talaabada madaxwaynaha ka baajiyaana kumuu guulaysan waxanay aniga ila muuqatay in madaxwayne Ahmed Ismaaciil goaankan hore usii haystay markii uu dirayayba waftiga .
Madaxwayne Ahmed Ismaaciil oo aan ahayn nin habeenkii hore u seexda waxa balan noo ahayd in aan wax kulana la aqbali karin habeenkii marka laga reebo sedex masuul mooyaane , wasiirka arimaha gudaha , madaxa sirdoonka qaranka iyo sido kale madaxa ilaalada madaxtooyada .
Madaxwayne Ahmed waxa kaloo ka gonayd in wada hadalada hore ay u furtay dowladii ka horaysay ee lala lahaa dowlada Somaliya aan haba yaraate wax la aqbali karo ahayn in Turkey-gu ahaado dalka marti galinta wada hadalada yeelanaya , waxanu madaxwayne Ahmed Ismaaciil warqad dhowr iyo toban bog ah u diray xafiiska midowga yurub ee Brussels iyo lifaaq la socday oo London loo diray loogana gol lahaa sidii wada hadalada looguso celin lahaa gacanta midowga yurub oo anay ku jirin dowlada dalka Talyaanigu .
Maalintii xigtay waxanu safar kale oo marti qaad ah ugu amba baxnay dalka Britain oo ay madaxwayne Ahmed Ismaaciil kaso gaadhay warqad martiqaad rasmi ah ahi , waxana safarkii labaad ee dibad loo baxa noqday mid aanu goor galabnimo gaabana ku gaadhnay magaalada London oo uu airport-keda nagu qaabilay wasiir sida lay sheegay dowlada dalka u qaabilsan xidhiidhka Afrikanka , sido kale madaxwayne Ahmed Ismaaciilna noosheegay inay shaqsiyan ninkan hore isu yaqaaneen una kulmeen , waftiga waxa looso galbiyay dhanka huteel ku yaala galbeedka magaalada London oo run ahaanti an ahayn sidan u qabay balse ila muuqatay magaalo taariikhiya oo qarniyaal dhismayaasha qaar jireen . subaxnimadii habenka xigtay waxanu u diyaar garownay ka qayb galka xaflad anan macnaha laga laha fahmin balse ay lahaayeen boqortooyada dalkaasi taaso ahayd mid turjumaad gaara ka bixinaysay dhimaha boqortooyada wadankaasi leeyahay , dowlada Ingiriisku waxay no ogolaatay intii xafladaasi socotay oo ay ku sugnaayeen madax badan oo dunida ahi in aanu ku dhex qaybin karno wixi qoraalo fudud ah ee aanu jecelnahay in madaxka kale ee beesha caalamku nala wadaagaan , waxanan halka ku qaybinay in ka badan 130 waraaqo macno badan xambaarsana . gabagabadii howsha waxanu ku laabanay hotelkan deganayn balse waxa isla maalintii xigtay aanu ka qayb galnay xaflad lagu qabtay goob laygu sheegay inay tahay huteel balse u dhisan sida garoonada kubada oo ay ku sugnaayeen kumanaan dad labisan calanka Somaliland oo la yidhi waa qurbajoogii dalka , xaflada dadka joogay waxa nalo sheegay inay guud ahan ka yimaadeen dalka Ingiriiska iyo wadamada ku dhowdhow , waxana halka dadka kala hadlay madaxdii bulshada ee goobta laba wasiir oo waftiga la socday iyo madaxwayne Ahmed Ismaaciil oo akhriyay qudbad socotay 1:11 mirir oo xidhiidha uuna kaga hadlay isku duubnaanta iyo quwada ay keento sido kalena uu sheegay in bulshadu ugu diyaar garowdo geedi aan lahayn wakhti goan oo la soconayo , safarkaasina wuxu kuso idlaaday guul waxanu noqday safar an lahayn goob laguso nasto ama taraansit dowlad kale in laguso noqdo , wuxuse badalkeedii safarkaasi London marku kaso baxay soo cago dhigtay garoonka diyaaradaha ee Hargeisa , madama garoonkeenu awal ahaa 3.75 Km balse uu hada yahay 5.5 Km oo la kordhiyay ayna kaso dagi karan diyaaradaha meelaha fogfog kaso hayaamaa .
Safarkaasi markaanu Hargeisa soo gaadhnay wuu ka duwana sidii kuwii hore dadku u arki jireen wuxuna ahaa mid QARSOON madama aanay cid badani kasi warqabin xata laamaha dowlada , waxana sida lay sheegay sii ogaa oo qudha madaxa Sirdoonka iyo taliyayaasha ciidamada Qaranka iyo kan ilaalada Madaxtooyada oo qudha , waxana sido kale lay sheegay in askarta madaxwaynaha salaanta siinaysay ogaatay oo qudha markay xerada kaso baxeen loona sheegay in aanay wax xidhiidha cid kale la samayn ila madaxwaynuhu gurigiisa ka gaadhayo ! sidaana waxanu marlabad ku nimi madaxtooyadii qaranka .
Isla habeenimada waxa madaxwaynaha laso xidhiidhay wafti naga horeeyay oo mudo 14 cisho ah Nairobi wada hadalo kula lahaa madaxda Maleeshiyadii Khaatumo oo uu hormuud ka ahaa wasiirka arimaha guduhu , waxanay madaxwaynaha ku wargaliyeen in shirka is afgarad buuxa laga gaadhay loonaso wareejinayo maalinta bariya magaalada Hargeisa uuna kasii socon doono mudo laba cisha isla Hargeisa , ka dibna lagu kala saxeexan doono heshiis buuxa , Isla subaxnimadii siday so sheegeen waxa Hargeisa kaso dagtay diyaarad buuxda oo sida siyaasiyiin mudo kala caagana balse isku niyad u muuqday waxana shirar kasii socdeen huteel ambassador ee magaalada Hargeisa mudo laba cisha aakhirkiina waxa lagu saxeexay heshiis la magac baxay WALAALOWNAY , isla galabnimadii heshiiska la shegay waxa madaxwayne Ahmed Ismaciil igu amray inan saxaafada u gudbiyo magacaabis cusub oo ah in Wasiirka Howlaha Guud Iyo Guryaynta loo magacaabay Cali Khaliif Galaydh , maalinta subaxnimadeedii ayuu mar labaad madaxwayne Ahmed Ismaaciil nagu wargaliyay in safar shaqo loogu baxayo dhanka gobolada Bariga dalka , waxanan safarka subixi xigay ka bilownay Berbera , Burco , Caynaba , Oog oo aanu inyar kormeernay xeryaha ciidanka jiida bari ka dibna waxa magaalada Yagoori ee duleedka laascaanood nagu qaabilay wafti uu hogaamiyay Garaad Jaamac iyo Garaado kale oo badan oo anan waligay arag balse midba mar la magac dhabayay sida lay sheegayna ahaa rag in dhawaale Garoowe saldhig u ahaa balse qaatay heshiiska nabada ee Somaliland , Madaxwaynuhu wada hadalo doora oo haben iyo maalin socday aakhirkii wuxu amray in magaalada Lagu ALLE baryo waxana halka lagu qalay subaxdii Sedexaad ee safarka in ka badan dhowr iyo toban geela , intii qadadu socotay waxan arkay oo aanu isi salaanay Siyaasi Ahmed Cabdi Xaabsade oo siduu ii sheegay mudo magaalada ku sugna igana codsaday inan madaxwaynaha fariin sira oo uu iisheegay ka gaadhsiiyo .
Soo noqodkii safarku ceerigaabo muu tagin ana waligay man tagin waxanu safarku ahaa mid adhaxdiisu ku qotonto magaalada Laascaanood oo madaxwayne Ahmed Ismaaciil si gooniya u doonayay inu kulaso kulmo madaxda deegaankaa , waxanan habeenimadii afaraad kuso hoyanay magaalada Burco oo si balaadhan nalooguso dhaweeyay , waxanan ku dagnay gurigii martida ee gobolka oo hada loo yaqaan Madaxtooyada gobolka , guriga markan so galnay waxa nooga Urayay Sigaar aad moodo inuu gidaarka ku dhagay waxana la dajiyay madaxwaynaha dabaqa sare oo isagu aad nadiif u ahaa , waxanay ii sheegeen ragi waashmaanada ka ahaa gurigu in madaxda magaalada Burco joogta guriga ku qayilaan subax iyo habenba taasina keentay balwada guriga sumada ku noqotay ! madaxwaynuhu markii aanu guriga degnay wuxu nagu wargaliyay in bari subax la kalahayo sida awaded wuxu naga codsaday in uu caawa la kulmo madax dhaqameedka gobolka iyo wixi madax joogta , dabaded warka isla fiidkii markan gaadhsiinay cidi ku shaqada lahayd waxa goobta soo buux dhaafiyay Rag Koofiyada iyo Rishwaanta Cask a siman oo gadh case miidhan ah , waxanay noo sheegeen inay madaxwaynaha raban inay beel beel ula kulmaan waxase dalabka si cadho leh u diiday Madaxwayne Ahmed Ismaaciil , waxanu ii sheegay in u markaliya dhamantood la kulmayo balse cidii an ogolayni iska noqoto . shirkiina akhirkii wuxu qabsoomay iyago dhamaan isku duuban , waxana goobtaa madaxwaynuhu ka jeediyay qudbad u badnayd canaan , hoga tusaalayn iyo sido kale dardaaran , madaxwaynaha weedhihiisi waxan ka xasuusta “Waar yaadha reer burco ama reer Shiikh Isaxaaqow horta anaka haysu kaaya kala gurina “ intaa markuu yidhi mar kaliya ayaa sacabka iyo qosolku is qabsaday waxanay badiya hadalka intiisi kale ahayd mid uu reer Burco isuguso dhawaynayay. Habeenka marki kulankaasi dhamaaday waxan anigu arkay laba qolo oo kale qolyo ii abtiyaal ah oo warqado ii dhiibay iyo qolo kale oo xaafadan kaso jeeda , waxanan aakhirkii ku kala hoyanay nabad qab , BALSE SUBIXII MARKAN TOOSAY SAACADO 8:41 am ah Waxay Sheekadii Wacnayd Isugu Biya Shubatay RIYO balse man RUMAYSAN ilaa Aan Qolkayga Dibada Uga Baxay Oo Aan Arkay Inan Hargeisa Hurdo Waliba Xaafadayadii XeroOwr .
W/Q : Mohamed Ahmed
Hargeisa/ Somaliland
063-4436369 .