Reysul Wasaare Gaas oo sheegay in Soomaaliya aaney Macaluuli ka jirin
Muqdisho Dec 14,2011(qurbejoog.com)-Reysul wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli cali Gaas ayaa saxaafada u sheegay in Soomaaliya aaney iminka ka jirin macluul,hadalkan oo ka hor imanaya baaq ay shalay soo saartay QM.
QM ayaa shalay qeylo dhaan ay jeedisay waxa ay ku sheegtay in 250,000 oo Soomaali ahi ay macluul ku heyso dalka.
QM ayaa dalbaday 1.5 billion oo dollar si Soomaalida loo quudiyo sanadaka soo socda.
“QM waxa ay noqotay koox ka mid ah kooxa danaha ka leh Soomaaliya,waxa ay buun buuniyaan xaalada dalka si ay yabooh dunida u weydiistaan”ayuu yidhi Mr Gaas oo u waramayay jariirada Telegraph ee UK ka soo baxda.
Ma aha kolkii u horeysay ee ay madaxda Soomaalidu ku eedeeyan QM iyo heyadaha gargaarka in dano gaar ka leeyihiin hawlaha ay ka wadaan guddaha Soomaaliya.
Waxase inta badan dhacda in ay xilka ka tuuraan cid walba oo ka hor timaada qorsheyaashan guran ee Soomaaliya laga leeyahay.
Qurbejoog-Muqdisho