Reysul Wasaaraha Britain oo dhawaan jeedinaya khudbadii ugu muhiimsaneyd intii uu xilka hayay
London Dec12,2011(qurbejoog.com)-Reysul wasaaraha dalka Britain ayaa goor dhaw lagu wadaa in uu baarlamaanka Britian u jeediyo khudbad uu ku faahfaahinayo goaankii uu kaga baaqsaday heshiiskii dhaqaalaha Yurub.
James Cameron ayaa xukuumadiisa wadaaga ahi ay qarka u saaran tahay in ay burburto ka dib kolkii ku-xigeenkiisa oo ka socda xisbiga Liberaalka uu qaadacay diidmada heshiiska Yurub.
Khudbada maanta ayaa lagu faahfaahin doonaa sababha uu reysul wasaaruhu ku diiday heshiska dhaqaalaha Yurub.
Si kastaba ha ahaatee goaanka reysul wasaare Cameron ayaa xita waxa walaac ka muujiyay dawlada Mareykanka kolka laga yimaado reer Yurub.
Qurbejoog-London