|

Reer Yurub oo u riyaaqay goaanka Baarlamaanka Giriiga

Athens Feb 13,2012(qurbejoog.com)-Midawga  Yurub  ayaa  soo dhaweeyey  talaabada  uu baarlamaanka  Giriigu  uu ku ansixiyey   qorshayaasha  cusub ee  dhinaca  gunti  giijiska  xaga  dhaqaalaha  ah.

Xukuumadda  Griiga ayaa laga doonayaa inay  hirgaliso  dib u habayn  wayn oo xagga dhaqaalaha ah,  waxaana  talaabooyinkaasi ka mid ah  in la jaro  shaqooyin   badan isla markaana  hoos loo  dhigo  kharashka ku baxa  mushaharooyinka.

Talaabooyinkaasi  gunti  giijiska dhinaca  dhaqaalaha ah  ayaa  dhaliyey  dibad baxyo  waaweyn  oo ka dhaca  waddankaasi  Giriiga,  kuwaasi oo lagu  diidan yahay  qorshahaasi lagu  xakamaynaayo  lacagta ay  isticmaasho  xukuumaddu.

Guryo ku yaala magaalada  Atanis,  ayaa  la gubay,  waxaanay  boolisku sunta  dadka  ka ilmaysiisa  u  isticmaaleen  dadka  isku  soo baxyada  dhigaayey, Giriiga  ayaa doonaya  inuu helo  aduun  gadhaya 130 bilyan  oo  Yuuro.

Geestakale,  arrintani waxay  war  wanaagsan  u noqotay  suuqyada  saylahada ganacsiga  o sare  u kacay.

Comments are closed