|

Reer Yurub Oo Soomaaliya Ugu Deeqay $13milyan, Meelaha wax lagaga qaban Doono Iyo Cidda Gacanta Ku Hayn Doonta

Brussels:Dec,19,2014(SDN/QJ)-Midowga Reer Yurub ayaa lacag dhan $13.4 milyan ugu deeqay Somalia, taas  oo loogu talo galay in koor loogu qaado kaabayaasha dhaqaalaha oo burbur laxaad lihi soo gaadhay.

duroLacagtan ayaa Dowladda Soomaaliya loo soo marsiinaya Bankiga aduunka oo maamuli doona, iyadoo kal hore Dowladda Federaalka lacago toos loogu deeqay la is-daba mariyey.

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa sheegay in soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada sahlayso nabad waarta.

Lacagtan ayaa sidoo kale loogu talo galay in lagu hormariyo noloshada muwaadininta Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale qeyb kamid ah lagu bixin doona mushaharaadka shaqaalaha dowladda.

Lacagtan ayaa La hubaa inay ka faa’iidi doonaan dadkii loogu talo galay, maadaama aanay sidii kuwii hore ku dhici doonin gacanta Madaxda Soomaalida, isla-markaana lagu bixin doono waxqabad muuqda maadaama ay gacanta ku hayn doonaan Baanka Adduunku.

Beesha caalamka ee Deeqaha siisa Somalia ayaa qabta warwar badan kadib markii la xaqiijiyey in lacago badan oo  deeqo ahaa, kuwaas oo Madaxda somalida gacanta laga geliyey in ku dhaceen kooxo musuqmaasuqay oo danahooda gaarka ah uga faa’iidaystay.

 

 

 

SDN/QJ

Timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed