|

Reer Yurub oo kaabay Dhaqaalaha Giriiga,maxeyse xaalada ka bedeleysaa?

Brusselles Feb 22,2012(somalidiasporanews.com)-Dawladaha ku bahoobey midawga Yurub ayaa isu gabal dhacsaday si ay uga gaaraan goaan in dawlada Giriiga la amaahiyo wejigii labaad ee lacago lagu bari taarayo dhaqaalaha dalkaas musalafka qarka u saaran.

Dawladaha Reer Yurub ee wadaaga lacagta ayaa in dhawaalaba eegayay in Giriigu fuliyo shuruudo ay ku xidheen bixinta amaahaha dalkaasi sida weyn ugu baahan yahay.

Bulshada dalka Giriiga ayaa hoos u dhigida kharashaadka dawladeed ku soo dhaweeyay dibed baxyo iyo cadho ka dhan ah qorsheyaasha reer Yurub,khaasatan kuwa u muuqda in ay gaar u yihiin dalka Germany.

Reer Yurub ayaa xalay ansixiyay in dhaqaalaha Giriiga lagu bari taaro aduun dhan 170 billion oo aan sidaa wax badan uga qabaneyn xaalada dhaqaale ee dalkaasi.

Giriiga ayaa farqiqa u dhexeeya wax soo saarkooda iyo khaarashaadkooda waxa u dhexeeyay iminka ilaa 120 billion oo dollar oo ay sanad walba amaahdaan.

Qorshahan iminka lacagahan u danbeeyay lagu amaahiyay dalkaasi ayaa waxa uu saadaalinyaa in Giriigu dhaqaalihiisu kobco mudo laba sano gudahood.

SDN-Brussells
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed