Reer Yurub oo dalbaday Dawlad waxtar leh oo TFGda lagu bedelo
Brussels Mar 28,2012(SDN)-Midawga Yurub ayaa war ay soo saareen ku dalbaday in Soomaaliya ay yeelato dawlad tayo leh oo bedesha TFGda kolka la gaadho bisha August ee ina soo aadan.
Deeq bixiyeyaasha taakuleeya TFGda iyo ciidamada taabacsan ayaa meesha ka saarey kororsi danbe oo lagu taageero xukuumada KMG ah ee Soomaaliya.
“Waxba kuma ah caalamku in uu si fudud u yidhaado dedaal ayaa socda,ta meesha taalase waa maxaa u dan ah Soomaalida”sidaa waxa yidhi Ergeyga Midawga Yurub ee Soomaaliya Alexander Rondos.
Dhabaha nabada ee aatan ay taageerayaan Dawlada daaqda bixiya ayaa faraya TFGda in ay Dastuur cusub sameeyaan,doorosho dhacdo isla markaana amaanka la sugo.
Balse xeeldheereyaasha ayaa ka digaya in Soomaalida dusha lagaga keeno nidaam aaney dooneyn,taas oo horeyna loogu fashilmay.
Si kastaba ha ahaatee dhawr bilood ayaa inaga xiga bisha August oo ah xiliga uu waqtigu kaga egyahay TFGda,waxaana muuqata in aaney fari ka qodneyn hawlaha dawlada looga fadhiyo in ay dhameystirto.
SDN-Brussels