Reer hargeysoow Xaqa maxaad U Huwinaysan Dulimarkhaatiyada
Sheikh maxamud geele ilaahay buu idinka ashtakeeyey waar hooy xaqa raaca.
Xaqaiyo baadilka waligood dagaal baa ka dhexeeyey xaqa ayuun baana guuleysta
Adduun iyo aakhiraba xaqa oo la raaco waxaa laga helaa barwaaqo .sharaf.cadaalad. sinaan .iyo inay qofka ka maydho damaca shaqsiga ee foosha xun leh,iyo hawooyinka khayaaliga ah ,iyo danaysiga gaarka ah ,waxaana xaqu qofka ka dhigaa qof hami weyn
Dantiisa gaarka ahna waxaa uu ka hormariyaa danta guud ee islaamka iyo sharafkiis
Markuu taa guud ilaaliyo tii shaqsiga gaarka kuu ahayd way hagaagtay .daladii iyo calankii islaamka ayaad hoos hadhsanaysaa .alxamdulilaahi rabil caalamiin ilaahay na garansii
Hadaba bal aynu laba qolo u kala gar naqno Qolo xaq doon ah. Iyo Qolo baadilka qurxinaysa oocaruusad qoorta u sudhaysa
Xaqa;kuwa raacay waxay yidhaahdeen anaga allaahi na abuurtay baan u hogaansanay wixii uu nagu amar yeelanay oo dhan baan raacnay kitaabkii alle iyo sunada nabi s.a.w.
Baan qaadanay oon noloshayada oodhan aanu ku dabaqaynaa kuwaasi asalkii bay taagan yihiin sax ahaa waana wadadii guusha.farax.cadaalada.sinaanta.is jacaylka dhexdeena lagu helayey .barwaaqo.cadawgaaga oo kaa haybadaysta markaad sidaa alle u ictiraafto
Biniaadankaa ku ictiraafi doona .geesinimana waa laga dhex helaa xaqa oo loo hiiliyo .kuwa intaahelaa waa kuwa quraanku sheegey ee uu yidhi way faaiseen adduun iyo aakhiraba noloshoodiina alle hagaajiyey way guuleysteen allow kuwaas hanaga reebin raacay sunadii nabi maxamed s.a.w.aamin
Qofka alle ka baqa ee raacey sunadii nabi maxamed s.a.w.cabsi korkiisa ma ahaato adduun iyo aakhiraba alle ayaan inoogu sheegey quraankiisa waana dhab .waana darajo weyn oo alle siiyo muminiinta awliyadiisa alleh .cidna kama baqaan oon alle ahayn markay fidnooyin dhacaan iyaga iimaan baa u sii siyaada .waayo iyaga waxay arkaan halkan meel ka fiican oo ilaahay lagu raali galiyaa ma jirto oo laga yidhaa kalimada xaqa ah .waxa kastaa iyaga kheyr buu u yahay waayo waxay udagdagaan waxa ilaahay kaga raali noqonanayo iyagoo og tababarahoodii oo ah nabiyalaahi maxamed s.a.w.in ay uyihiin ambasadooro calankii islaamka ayey sidaa ooy ka ilaalinayaan mar walba uskaga iyo bidcada ilaahayow kuwaas hanaga reebin ee na raaci
Wadadaasina waa wadaday mareen asxaabtii nabi maxamed s.a.w. gacantiisa ku soo tababaray kuwaas oo ahaa kuwii adduunka ka dhaliyey cadaalad iyo sinaan waxaa ka mid ahaa sifooyinkooda fiican xaq sheegid iyo u hiilid markaas baa ilaahay mulkiyey oo gacantooda soo geliyey mulkigii adduunka oo dhan .markaas bay yeesheen sharaf iyo cisi iyo karaamo binilaah oo weedhoodii noqotay mid laga haybadaysta oo la maqlo amarkoodii baa fulay oo cid walba maqashay .baadilkii baa noqday dambas la waayey waxaa ay ku gaadheen waxaas oo dhan waa kitaabkii ilaahay bay yidhaadeen naga horee oo na xukun ooy isku dhiibeen markaas baa ilaahayna u dhiibay adduunkii oo dhan
Marka as baa kitaabkii sheekhii si fiican u fasiray oo yidhi dadkii ku dhaqma waayo mid ogaada sheikh baqdina mahayso ilana xuduud waxaa ilaalina ilaahay iyo khaali dbin waliid iyo sacad bin waqaas iyo qaac qaac ilaahay dhamaantood ha u naxariistee baa habeen iyo maalin faraska seefta la dul taagen markuu sheekhu og yahay taa
Sheikh iyo shacbiga iyo shillinkan idin wareeriyeyba waa nabad cid looga baqi mayo
Baadilka. Horta ninka diin diidka ah ee diiday alahii oonkan lahaa waxaa uu usoo dajistay in oon ka lagu xukumo diiday.ogolaadayna sharci shaydaan sameeyey iyo biniaadan aan lagaranaynin xaguu ka soo jeedo ayaan ku dhaqmayaa oo la yidhaa
Duli.markhaatiyad ninkaasi waxaa uu raacay wadadii shaydaanka laynooga digey iyo hawadiisii imtixaankii islaamkana waa uu ku dhacay ninkaasi waxaa uu sharci ka dhigtay dhalanteet iyo hawo waa nin khasaarey bal aynu is yar dul taagno ninmanka wadaadaa raacay hore iyo manta ilaa fircoon waxaad wada daawanayseen kuwii ku wada dhaqmayey waxaa sharciga ilaahay waxaan ahayn in ay duqaynayeen iyaga iyo caruurtoodii ay galafteen iyo tolkoodii dhagaha la.aa ee dulmiga ku raacay kuwii ay shalay saaxiibada ka dhigteen ayuunbaa hada na dilay xukunkii ay udhiseena ka burburiyey xoolahoodiina ka qaataey waaka saaxiibka shaydaanka aan ilaahay aqoonin
Isumana gargaaraan waxay heshiis ku yihiin xumaha iyo sida duqsiga in ay waxa xun wada dul fadhiistaan ee qadhmuun urta xun baa ka dhaxaysa waxay isugu gargaaraan xumaha iyo xasadka iyo diinta alle oo lala dagalamo .waxaad ku arkaysaa danaysi gaar ah .xukun jacayl.
Dadkay dadka caynkaas ahi u taliyaan ka eeg dhexdooda colaad .is qawrac .nabcaanshiiyo. jahli faqri cadawgooda oo dulaysta ku jees jees jahawareer.qax. nolol cidhiidhi ah intaas oo dhan baad ka dhexhelaysaa asxaabil baadil dadka ay xukumaan iyo is jaajuusid laynaga mamnuucay ooislaamku ku xukumay jaajuusnimada dil qofka ku dhaqma hawshu ma yara
Dhaqanka reer galbeedka dimiquraadiyadooda iyagaa ilaashada john iyo bush iyo tony
Baa ilaalinaya
Haddaad tahay maxamed iyo axmed iyocabdi adiga shaqadaadu waa in aad ilaaliso shareecada islaamka wado khalad ah baad ka baxday waxaan ilaahay kaaga baryeynaa in aad ku soo noqotaan wadadada saxa ah aamin
Hadaba madaxweynaha maxamed axmed waxaad tahay nin nasiib badan ilaahay xukun buu kuu dhiibay binaadankuaba jecel yahay ta labaad labadaada magacba waa magacyadii rasuulaka s.a.w. bal markaa suaal adigu is way dii ma jeceshahay nabi maxamed s.a.w. haa hadaba matahay ambasadoor fiican ma utahay nabi maxamed s.a.w. ooxukunka alle ku siiyey ku fulinaya shareecada hadaanaad ahayn danjire wanaagsan maxaad ilaahay iyo nabi s.a.w. la hor tagi iley waa lagu waydiinayaa oo taasi waa dhab jirtoo shaydaan waxaas oo dhan idinka daboolay waxaa uu idinku mashquuliyey qasriga madaxtooyada iyo carbetka cas intaad ka dhimanaysaan een xabaalaha tagaeyno dhab baynuna suaalahaas oo dhan walaahi laynoo waydiinayaa cimrigeenii iyo waxaan ku qabanay alle hadduu raali ka ahaana janaad galaysaa haddii kalana naar hadduu madaxu hagaago luguhuna way hagaagaan oo meel fiican bay udhaqaaqaan ookheyr leh allana ha inagu wada hanuuniyo dhamaanteen madaxwene
GUNAANADKII
Foodkii haddaan asxaabul xaq iyo asxaabul baadil u qaadno waxaa noo soo baxay dadka badankiisa waxay yidhaahdeen waxaan raacaynaaa asxaabta xaqa waan ognahay ma aynu jeclin naar walaahi mumuniintuna waxay jecelyihiin dhamaan in waxaa islaam noqdoo dhan in ilaahay naar ka badbaadiyo waataas waxay naftooda halista idiinku gelinayaan inaad ka badbaadaan waybidin jecelyihiin
Waa waxaas waxa ka qaylasiiyey walaaldeen sh. Maxamed geele iyo mujaahid aar ay inooga cabsanayaan naarta ilaahay oodhimbiisha ka soo duusha nabigu s,a,w, ku sheegey awr leg tahay dadkeenu wax madiidana
Hadaba waxa baa inaga xun waxaa waa in aan ogaano shacbigeena maxaa ka si ah umadani waxay soo martay marxalada kala duwan mar isticaar gumaysanayey oo caqiidaddii ka dagaalamay waxaa u xigay shuuciyad diinba aan ogolayn ka dib dagaal
Dadkii taasi waxay dhaxalsiisay in aan yeelana dhaqanadii islaamka oo dhan waan samaynaynaa salaadii soonkii sakadaii hadanawaxaabasi ah marka shareecada layskugu yeedho dadku dabaduu giijinayaa .waxaa aniga iisoo baxay in dadkeenu marxaladaaha ay soo mareen iimaankoodii suuxay sun lagu buufiyey markaa iimaanka inagu jira waa suuxsanyahay
Macnana ma laha iimaan aanu la soconin camal
Faaiidana malaha caqiido aankugu dhaqaajinayn mabdaad xambaarsan tahay in xaqiijiso
Waxaa markaa walaalyaal halkaa inooga soo baxaysa ilaahay muuminta quraankiisa ayuu ku sheegey in ay yihiin kuwo isku naxariis badan markaa horta waa in kuweena iimaankoodu holcayo ay ugu qabtaan kan suuxsan oon laga tagen waayo nina walaalkii oodhaawac ah ka tagi mayo ninkani waa dhaawac dhakhtarku dadkuu dawaynayo kama cararo
Walaalyaal aynu isku soo wada ducayno in ilaahay inaga kor qaado dhibaatadan walaaladeena ale noo soo wanaajiyo
1-Nabi maxamed s.a.w.ma jeceshahay;haa alleh iyosharcigiisaiyo sunadiisa ooah ta nabigeena jeclow oo halagaa helo samacnaa wa cadaynaa
2-Nabi maxamed s.a.w. hadaad jeceshahay ummadiisa jeclow ummatul maxamed dhamaantood mumuniita khaaliska ah
3Nabi maxamed s.a.w. hadaad jeceshahay runta sheeg waayo ninka beenta sheegaa maha umada maxamed
4-Nabi maxamed s.a.w.hadaad jeceshahay jeclow foqorada masaakiinta agoonta kuwa daciifka ah u gargaar ka dhiban ugargaar oorida laga dhintay oo jeclow waayo nabi maxamed s.a.w. baa jeclaa ooy jeclaayeen haday kuwaasi ku jeclaadaan ilaahay baa ku jeclaaday walaahi hadaad dhab wax aad u ogaan lahaydeen xaga ilaahay masaakiinta iyo foqorada halkay ka joogaan sida aad baabuurta waaweyn aad oogala hor carartaan
siyaasiyiintiin markaad galbinaysaan sidaa si ka daran ayaad foqorada iyo masaakiinta aad iskugu layn lahaydeen aniga ayey I raacayaa iyo aniga ayey I raacayaan
5-Nabi maxamed s.a.w, waxaa uu yadhi kina idiinka caqliga badani waa ka idiinku xasuusashada badan la kulanaka malakal mawdka oo u sii diyaar garooba wax sii shaqaysta camal fiican is ilaaliya markaad xasuusato dhimashada iyo wax inga danbeeya maalin walba 10 jeer waad liibaan tay hadaad ka badisa ka fiican waayo iimaankagu wuu ku xoogaysanayaa waxyaabahaas wanaagsan ee nabigeenii suubana inoo sheegay hadaan samayno iimaankeenu kur buu u kici markaas baa allana ducada inaga aqbali
fuad.jawi