|

‘’ Reer Gabilayoow Walalayaal Ma Dawlad Sacad Muuse & Habar Yoonis  Ayaa La Ictiraafi Doonaa..” Faysal Cali Waraabe’’ Gudoomiyaha Xisbiga Ucid DAAWO

Gebilay 22. August 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ahna Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbigaasi Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Maanta Kormeer ku tegay Magaalooyinka Arabsiyo Iyo Gebilay ee Gobolka Gebilay isagoo Xadhiga ka Jaray Xafiisyo Cusub oo uu Yeelanayo Xisbiga Ucid.

Waxaana Gudoomiyaha soo dhawayn balaadhan ku qaabilay Taageerayaal Laxaad leh, kuwaas oo kor u luxayay calanka astaanka u ah xisbiga UCID, Isla Markaana ku dhawaaqayay Ereyo Soo Dhawayn ah .
Gudoomiyaha Xisbiga UCID ayaa xadhiga ka jaray Xafiis Cusub oo Xisbiga UCID ku yeelan doono Magaalada Arabsiyo .
Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa meel fagaare ah bulshada Reer Arabsiyo uga jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysaa, waxaanu dib u milicsaday taarikhdii Somaliland iyo sidii loola soo noqday xorriyadii luntay ee Somaliland .

Murashaxa ayaa sheegay in aanu jirin wax is beddel ah oo ku yimid Arabsiyo Muddo sannado ah oo aanu soo booqan.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa dul istaagay baahiyaha ka jira Deegaanka oo ay kow ka tahay maal-galin la’aan haysata bulshada dhul-beeratada ah, waxaanu Murashaxu u ballan-qaaday in uu wax qabad la taaban karo uu ka hir galin doono Deegaankaasi .

Murashaxa ayaa cod dheer ku sheegay in la dhaafay wakhtigii qabyaaladda iyo jeegaanta, waxaanu ugu baaqay in ay midnimada Dalka ka door-bidaan qabyaaladda .

Comments are closed