|

“Reer Axmed Dhagax Iyo Gobolka Hawd Kol Haddii Ay Ku Soo Biireen Xisbiga WADDANI In Ay Guushii ……………” Siyaasi Cabdi Haybe DAAWO

Hargaysa 17.October 2016 (SDN/QJ):- Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo kamid ah masuuliyiinta sarsare ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa khudbad kooban ka jeediyey munaasabad miisaan culus oo uu Xisbiga WADDANI ku qabsaday magaalada Hargeysa,taas oo ahayd mid ay Beesha gobolka Hawd ku muujinaysay taageerad ay u hayso Xisbiga WADDANI,waxaanu Cabdi Haybe ugu horayn halkaasi uga mahad-naqay dadkii ka soo qayb-galay xafladaasi

CABDI HAYBESiyaasi Cabdi Haybe ayaa dul-istaaga doorka ay beesha uu ka soo jeedaa ka soo qaadatay guulihii laga gaadhay dagaaladii qadhaadhaa ee lala galay taliskii Siysaad Bare ,waxaanu xusay kol hadii ay reer Axmed dhagax iyo gobolka Hawd ku biiree Xisbiga WADDANI in ay guushii qarka saarantahay”Barigii halganka lagu jiray SNM-tii aya waxa la odhan jiray aaga laga dagaalamayo ee ku beegnaa Balli-gubadle,waxa la odhan jiray ninka daar-dhagax xabad u horaysa ha rido markaas ayaa guusha la gaadhayaaye,markaa maanta waxa weeye,reer Axmed dhagax iyo gobolkii Hawd kol haddii ay ku soo biireen Xisbiga WADDANI in ay guushii qarka inoo saarantahay,beeshani waa beel weyn oo meelaha ay degto waxa kamdi ah, gobolka Saaxil iyo Togdheer iyo oodwayne,ilaa dhagaxle iyo meesha xudur layidhaah marka la isku darro,waxaan u malaynaa isaaq cid ka badanin in aanay jirin,inaas oo taageero ahi markay isku timaado marka doorashada la-gallo,odayga in la soo saarayo ee Xirsi iyo Cabdiqaadirna ay gacanta is qabsadaan iyo ragoodu, guushu in ay qarka inoo saarantahay waxa-weeyaan wax dhab ah, aad iyo aad ayaan idiin salaamayaa”Ayuu yidhi Cabdi Haybe.
Gunaanadkii Siyaasi Cabdi Haybe ayaa xisbiga WADDANI dar-daaran u guntay” Xisbigana waxaan ku dardaarayaa in barri loo dhaqaaqo, gobolka sanaag iyo sanaag barri, Sool iyo Buuhoodle,deg deg waa in loo tagaa guusha intaas ayaa ka hadhee hala dedejiyo ayaan leeyahay.”

Comments are closed