‘’Reer Awdal kurasidoodii way ku fadhiyaan,Laakiin Dhul-bahante Waxaa Kuraastoodii Ku Fadhiya Beesha Dhexe,Madaxweynuhuna Wuxuu Go’aankaas u qaatay shakhsi uu u qabtay wax kasta uu u qaban karayay’’ Cali Guray
Hargaysa 17.Sep 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf ayaa Wax lala Yaabo ku Tilmaamay Kooxo abaabulan oo Taageero la garab Jooga Go’aankii uu Madaxweyne Siilaanyo ku Kala Qaaday Labada Doorasho ee Isku Lamaanaa ee Wakiiladda Iyo Madaxtooyada Isla markaana aanu Weli astayn Saami qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiiladda oo Muranka ugu Xoogani ka Jiro.
Cali guray ayaa ku dooday in Bulshada Gobolka Awdal ay haystaan Saamigii Kuraasta Golaha Wakiiladda Maadaama ay ku leeyihiin 13 Xubnood waxaanu Taas badalkeeda sheegay in Beesha Gobolka Sool ay Xaq u leedahay in Xuquuqdooda ay ka soo dhacsadaan Beesha Dhexe oo haysata Kuraastoodii.
Sidoo kale Wuxuu Cali Guray Nusqaan ku tilmaamay Go’aanka uu soo Saaray Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku Sifeeyay Taariikh Xumo uu Xanbaartay Madaxweyne Siilaanyo isagoo intaas ku daray in dhamaanba Go’aanadaasi uu ugu danaynayo hal Murashax oo raba Sida uu Yidhi in aan lala Tartamin kaas oo ah Gudoomiyaha ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye.
Cali Guray ayaa Qoraal uu arrintaas ku faahfaahinayo ku faafiyey Dagalka uu ku Leeyahay Shabakada Xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxaanu Ku Yidhi Qoraalkiisa:-
‘’Dad baan caawa dhegaystay TV-ga la soo fadhiisiyay. Ku lahaa ilaa arinkaa uu Madaxwaynuhu dhamaystiro oo Reer Awda iyo Reer Sool ay xaqooda helaan ka tegi maayo? Si fiican looma fahmsiinin waxay la yidhi dheha.
Reer Awdal kurasidoodii way ku fadhiyaan oo halka ay iyagu 13 kursi ka heleen 7ba kursi ayuu Dhulbahante ka helaye intii kalena Isaaq baa bililiqaystaye miyay labadaasi baroorta isku darsan karaa? Halkii ay Dhulbahante oo waxoodii la bililiqaystay wax la raadin lahaayeen iyaga ayaa wax ka maqan raadinaya oo leh ilaa intaa anaga na loo badinayo kuraasida Dhulbahante ha ku fadhiyaan beesha dhexe. Tan kale Madaxwaynuhu hadii aanu lixdan bilood ee u hadhsan wax ku dhamayn karayn oo isaguna muddo kordhinta ku jiro gartay hadiise uu xilka ka degayo oo Madaxwayne cusubi imanayo isaga gudidiisu maxay macno yeelanaysaa kolka madaxwayne cusubi yimaado saw haduu doono kala diri maayo? Arinkan waxa lagu baabi’inayaa uun legacy-ga Madaxwayne Silanyo hal musharax oo keliya ayaana dantiisa shakhsiga ah u arka arinkan. Waxa soo raaca kuwa aan damiirka layn ee aqalka Wakiilada oo mushaharka badan ey qaataan uu wax kasta kala wayn yahay
Dadka markii ugu horaysay taariikhdooda is diiwaangeliyay ee doonaya inay kuraasidooda ka kacsadaan beesha dhexe iyo kuwa is xambaarka ku yimi miyay raali ka yihiin kuraasidiini beesha dhexe ha iskaga sii fadhido? Aniga ilama aha lakiin kuwa isxambaarka ku fadhiyaa waa ka raali. Madaxwaynuhu in kuwa 12 sanadood fadhiyay uu u kordhiyo keligood kolay wayso uma dhawrna eh waxa ka fiican in isaguna uu iska joogo oo ay kuligoodba iska wada joogaan.
Dhinaca kale hadii go’aankii Maxkamadda Sare yaalo sheekadan caantaynka ah ee kuwa 12 sanadood xaaraanta ku fadhiyay ee laaluush cunka ah ee wixii yaraa yee masaakiinta iyagu bil walba u xaadirka ha loo kordhiyaa sharci noqon waydo oo Maxkamada Sare aqbali waydo saw in la eryo oo kuwo xaaran cun ah oo biidhi qaatayaal ah lagu bedelo noqon mayso. Taariikh xumaadaas oo dhan qofka keliya ee loo xambaarinayaana saw Madaxwaynaha uun maaha?
Ahay ah! waar ninka yaa u muciin ah? Waxan u malaynayaa in Somaliland iyo Madaxwayne Silanyo aanay soo kala hadhi doonin qof jecel iyo qof neceba. Sababtuna waa shakhsi uu u qabtay wax kasta uu u qaban karayay oo tartan xalaal ah ka baqanaya oo aanu waar idaa odhan karaynin cid ka waabisana haysan oo maalinba ha la iga reebo xaalkiisu yahay? Sua’aashu waxay tahay hadii wax walba isaga Daraadii loo burburiyo yaa ku yidhi Madaxwayne ayaad ku noqon kartaa? Hadiise wax waliba burburaan halkee Madaxwayne loo noqon saw in markaa dib loo noqdo ee beelo loo tashado noqon mayso.