Raysul wasaare kuxigeenka dalka oo magaalada Kismaayo kulamo kula leh madaxda Jubaland
Kismaayo ,11,7,2016(QJ/SDN) – Wafdi uu hogaaminayo raysul wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mudane Max’ed Cumar Carte oo shalay gelinkii danbe soo gaaray magalada Kismaayo ayaa kulamo la leh madaxda ugu sareeysa ee Jubaland, ayagoo ka wada hadlaya arimo la xiriira doorashooyinka dalka ka dhici doona dabayaaqada sanadkan.
Raysul wasaare kuxigeenka ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya taliyaha nabadsugidda Soomaaliya Gen. C/laahi Gaafoow Max’uud, taliyaha Booliska Soomaaliya Gen. Max’ed Xasan Xaamud iyo masuuliyiin kaleĀ waxayna madaxdani la dejiyay guriga martida halkaa oo ay kulamo kula leeyihiin madaxda Jubaland.
Inkastoo kulamadu ay soconayaan islamarkaana aan saxaafadda loo faahfaahin ujeedada imaatinka wafdiga, ayaa hadana waxay wararku sheegayaan in arimaha ugu muhiimsan ee laga hadlayo ay yihiin sidii loogu diyaargaroobi lahaa doorashooyinka dalka ka dhici doona iyo weliba sidii loo dardar gelin lahaa dedejinta howlaha baaxadda leh ee u yaal dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira kahor waqtiga ay dalka ka dhacayaan doorashooyinka.
Aqalka Martida ayaa waxaa ka socda kulamo ay saxaafadda dibadjoog ka tahay, waxaana marka ay soo dhamaadaan la filayaa in masuuliyiintu ay soo bandhigaan waxyaalihii ay ka wada hadleen.
Raysul wasaare kuxigeenka iyo xubnaha wafdigiisa ayaa la filayaa in ay maanta dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.